Iran oo qabatay Markab iyo Shaqaale siday Shidaal Suuqa Madoow dalkooda looga soo iibsaday
Tehran May 29,2014(SDN/QJ)-Cidamada dalka Iran ayaa sheegay in ay qabteen Markab Soomaaliyeed oo ah kuwa qaada shidaalka oo dalkooda ka soo raratay shidaal xatooya ah.
Ciidamada badda ee dalka Iran ayaa markabka oo la yiraahdo Yaxya Yaxya ku qabtay marin biyoodka dalkaasi ee Hormuz.
Ciidamadu waxa ay sheegeen in markabka Soomaalida ahi uu waday shidaal gaaraya 500,000 oo litir oo naafto ah
Ciidamada ayaa markabkii iyo shaqaalihii la socday oo gebogoodba u dhiibay masuuliyiinta Gobolka Koonfureed ee dalka Iran ee Hormozgan,
Soomaalida ayaa la sheegay in ay damacsanaayeen in ay shidaalkan ku iibiyaan suuqyada shidaalka ee dalalka Khaliijka.
Shidaalka dalka Iran ayaa ah kuwa ugu jaban ee suuqyada madoow ee bariga dhexe lagu iibiyo waxaana la sii yaa 14 cent oo Mareykan ah waxaaney ka jabiyihiin Biyaha la cabo.
SDN.QJ-Tehran
contact@somalidiasporanews.com