|

Iran oo Ku Eedaysay Maraykanka Iyo Sucuudigu inay Ka Danbeeyeen Weeraradii ka dhacay Caasimada Tahran

Tehran 11. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxda sare ee Ilaalada kacaanka dalka Iran ayaa Si xoogan ugu eedeeyay Dawlada Sucuudiga iyo Maamulka Maraykanka in ay ka danbeeyeen Labadii Weerar ee Maalintii Arbacadii ka dhacay Caasimada dalkaasi ee Tehran iyaga oo ku hanjabay inay jawaab ka bixin doonaan.

 

Labadan ayaa ka dhacay Xarunta baarlamanka Dallkaasi iyo Qabrigii aasasihii Xukuumada Islaamiga ah ee Iram Ayatollah Khumeyni, Iyada oo labadaa Weerar isugayn ay ku dhinteen 13, Qof Halka tiro aan la cayimina ay ku dhaawacmeen.

 

 

Geesta kale Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Sucuudiga mr caadil Jubeel ayaa ku dhawaaqay in Dawladiisu wax lug ah aanay ku lahayn weeraradaasi ka dhacay Dalka Iran isaga oo xusay in dawladiisu Dagaal kula jirto Argagixisada Daacish ee Shegatay Fulinta Weerarkaasi.

Comments are closed