Iran oo aqbashay qorshe lagu xakameynayo barnaamijkeeda Nuclear ka, iyo Obama oo taageero baadi goobaya
Lausanne April 03,3015(SDN/QJ)-Dawlada dunida ugu awooda weyn iyo dalka Iran ayaa Switzerland ku gaaray horu dhaca heshiis taariikhi oo lagu xakameyn doono barnaamijka Nuclearka Iran.
Heshiiska ayaa Iran faraya in ay aad hoos ugu dhigto tayeynta maadada uranium ka iyada oo cunaqabateynta saaran Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in heshiisku yahay “Isfaham taariikhi ah”
Dalalka shanta ah ee Gollaha Amaanka iyo Jarmalka iyo Iran ayaa bisha June dhameystiri doona heshiiska.
Iran ayaa mudo dheer ka dib waxa haatan ay dooneysaa in laga dulqaado cunaqabateyn jilbaha u dhigtay dhaqaalaha dalkaas.
Halka reer Galbeedkuna ay heshiiskan uga badbaadayaan dagaal kale oo ay bariga dhexe ku galaan.
Wadamada P5+1 oo kala ah UK, USA, France,China,Russia iyo Jarmalka ayaa wadahadalka Iran kula jiray in mudo ah iminkana Guul ka sheeganaya.
Dalka Iran ayaa si weyn looga soo dhaweeyay heshiiska iyada oo ay jiraan xag jiriin ka tirisan xukuumada Iran ay heshiiska diidan yihiin.
Madaxweynaha Mareykanka Obama ayase haatan waxa u yaal hawl uu heshiiska uga iibinaayo xisbiga Jamhuuriga iyo dalka Israel oo heshiis Iran lala galo hore u qaadacay.
SDN/QJ- Lausanne
contact@qurbejoog.com