Iran iyo Soomaaliya oo doonaya in ay xiriirkooda kor u qaadaan
Tehraan Oct 31,2013(SDN)-Kulan ay yeesheen Madaxa guddida Amniga iyo arrimaha dibedda ee Baarlamaanka dalka Iran Alaeddin Boroujerdi iyo wefdi ka socda baarlamaanka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Cabdala Boss Axmed.
“Balaarinta xiriirka saaxibtinimo ito ta siyaasadeed,dhaqaale iyo dhaqan ee dalalka Islamka waxa ay ka mid tahay qodobada assaasiga ah ee baarlamaanka Iran”ayuu yiri Boroujerdi.
Cabdala Boss Axmed ayaa dhankiisa sheegay in baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu muhiimad siinayo sidii loo kobcin lahaa xiriika Soomaaliya la wadaagto Iran khaasatan dhinacyada Siyaasada,Dhaqaalaha iyo xiriirka labada baarlamaan.
Dawlada Iran ayaa dar gelisay xiriir ay dooneyso in ay la yeelato dunida Islamka iyo dalalka Africa.
Iran ayaa xubin goobjooga ka ah midawga Africa,sidoo kalena waxa ay si gaar ah u dooneysaa in ay sare u qaado iskaashiga ay la leedahay dalalka Africa.
SDN-Tehran
contact@somalidasporanews.com