Iran iyo Gollaha Amaanka oo wadahadal uga furmay Istanbul
Istanbul April 14,2012(SDN)-Shanta dawladood ee rasimiga ku ah golaha amaanka ee qaramada midoobay oo loo geeyay wakiil jarmalka ka socda ayaa maanta kulan kula leh ergeyga u qaabilsa arimaha nukliyeerka dalka Iran MR.Siciid Jaliili magaalada Istanbool.
Hasa ahaatee madaxwaynaha maraykanaka MR. Braak Obama ayaa isna maanta ku dhawaaqay in ay tahay fursadii ugu dambaysay ee hab dibloomasiyadeed lagaga hadlo arimaha barnaamijka nikluyeerka ay xukuumada Iran wado oo shaki iyo baqo badan ku haya dawlahada reer galbeedlka iyo Israel.
Waxaana uu kulankani yahay kii u horeeyay ee mudo sanad ah ay wakiilo ka socda shanta dawladood ee golaha amaanka ku jira iyo jarmalku la yeeshan ergayga ka socda Iran oo kala hadla mashruuca ay ku tayaynayso nukliyeerka ,
Dhinaca kale madax waynaha dalka Iraan MR. Axmedi Najad ayaa markale ku celiyay todobaadlkan in aanay Iran marnaba ka tanasulayn xaq ay u leedahay in ay samaysato mashruuc nukliyeer ah, oo ku dhisan hab nabad galyo ah.
SDN-Istanbul