”Inuu Faysal UCID Iiga Tago Mooye Anigu Uga Tagi Maayo,..” Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa,26Nov,2015(QJ/SDN)-Musharaxaha jagada Madaxweynenimo ee xibiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Khilaafka soo kala dhex-galay masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Ucid oo uu isagu ka mid yahay.
Mudane Jamaal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hadalkii shalay kasoo yeedhay gudoomiye Faysal Cali Waraabe ee ahaa in Xisbiga dib loogu tartami doonno uu ahaa Waalli Cas, isaggoona sheegay in xisbiga Ucid uu doorasho horay usoo galay oo kalfadhi lagu doortay Murashaxiinta hadda jooga.
‘’Maanta waxaan iskugu kiin yeedhay inaan iftiimiyo warar faro badan oo baryahan danbe la isla dhex maraayay oo ku saabsan xisbiga UCID iyo murashaxiinta xisbiga ucid oo qaarkood wararkaas ay sababeen is casilaadii murashaxii madaxweyne ku xigeenka Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan iyo hadaladii uu ku hadlay gudoomiyuhu shalato markii uu ka anba baxaayay magaalada Hargeysa, hadaladaasi kuwa ugu waaweyni waxa ay ahaayeen xisbiga ucid sida uu guddoomiyuhu yidhi waxa lagu sameynayaa qiimeyn dib baana loogu tartamayaa taasi waa waalli cas weeyaan ayaan leeyahay, xisbiga ucid tartanbuu soo galay doorashuu soo galay kalfadhigii golaha dhexe ee xisbiga ucid waataas warqadiisii gudoomiyaha ayaa saxeexay, warqadaasi waxay ku socotaa komishanka doorashooyinka somaliland waxay ku soscotaa xeer ilaaliyaha qaranka Somaliland waxay ku sooctaa gudida diiwaan galinta ururada siyaasada..’’ ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Musharax Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in guddoomiye Faysal uu shuruucdii xisbiga jabiyay awoodiisiina uu ka tallaabsaday ‘’Guddoomiyuhu shuruucdii xisbiga ayuu jabiyay awoodiisiina wuu ka tallaabsaday, Guddoomiyuhu awood buu leeyahay awoodiisuna maaha cidda musharax noqonaysa iyo cidda aan noqonay..’’ ayaa ka mid ahaa hadalka jamaal
Dhanka kale, Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in aanu isagu marnaba xisbiga UCID ka tagayn illaa uu Faysal uga tago mooyaane ‘’Anigu maanta waxaan halkan ka caddaynayaa anigu meelna tagi maayo, ninka ugu danbeeya ee tareenka ka kacayaa aniga weeye Inuu faysal meeshaa iiga tago mooye anigu uga tagu maayo maanta taa horta haku biyo cabo’’
Ugu danbeyntii, Jamaal Cali Xuseen waxaa uu sheegay in ay socoto waan waan lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo gudoomiyaha xisbiga waxaana uu yidhi “ waxaa iminka socota waan waan balaadhan oo ay wadaan dad siyaasiyiin iyo salaadiin iskugu jirta oo somaliland magac iyo miisaan ku leh taas baanu ka war sugeynaa balse hadii ay taasi suurto gali weydo gacmaha ayaa la iskula tagi doona” ayuu ku soo koobay hadalkiisi Musharx Jamaal Cali Xuseen .
Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd ka dib markii uu soo if baxay khilaaf baahsan oo u dhaxeeya hoggaanka xisbiga UCID iyo Murashaxiintiisa.
Halakn Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Jamaal Cali Xuseen: