Interfaxenergy oo Shaki ka Muujisay Hirgalinta Mashruuca Gaas-ta Dabiiciga ee Kililka shanaad
Addis Ababa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Maraeegta wararka ee Interfaxenergy oo si gaar ah uga hadasha arrimaha shidaalka ayaa warbixin ka diyaarisay heshiis dhawaan dhaxmaray Itoobiya, Jabuuti iyo shirkad Shiine ah oo ruqsad loo siiyey in ay horumariso shidaalka jeexdin iyo Elaale ee ismaamulka Soomaalida.
Shabakada ayaa tilmaantay in mashruucu u muuqdo mid socda kadib markii 40 sano la sugayey.
Hadalkan ayaa dabasocda dhagax-dhiga warshad lagu sifeeyo shidaalka oo dhawaan laga bilaabay Jabuuti.
Xukuumada Jabuuti ayaa laga soo xigtay in mashruuc bilaabmayo bisha Ogostii ee sanadkan isaga oo socon doona mudo 3 sanadood ah. Shirkada Shiinaha ah ayaa lagu wadaa in ay dhismaha la kaashato kambaniyo kale oo fadhigoodu yahay Faransiiska iyo Ingriiska. SHAKI Interfaxenergy ayaa warbixinteeda ku xaqiijisay in uu shaki badan ku jiro hirgalinta mashruuca iyada oo sheegtay in arrimo la xidhiidha amaanku caqabad ku noqon karaan.
Mareegta ayaa gobolka Soomaalida ku tilmaantay mid aad u balaadhan oo saboola iyada oo qeexday in uu yahay ismaamulka ugu faqiirsan Itoobiya. Waxa ay intaa raacisay, in gobolka caan ku yahay abaaro iyo isku-dhacyo dhaxmara ONLF iyo ciidamada dawlada. Interfaxenergy ayaa warbixinteeda ku xustay in saxaafadu ka caagan tahay degaanka Soomaalida islamarkaana ay adag tahay in wax xog ah laga helo.
Xaalada amaanka ee gobolka ayaa shabakadu ku tilmaantay in ay ka sii dareyso. Warbixinta ayaa lagu tibaaxay in goobaha shidaalka ayna wax dhibaato ah soo gaadhin iyada oo la xusay in amaankooda ay ciidanka Itoobiya aad u ilaaliyaan. Shabakada ayaa soo bandhigtay sawir ay ka muuqdaan saraakiil miltari iyo masuuliyiin ka kala socda wasaarda macdanta ee Itoobiya iyo shirkada Shiinaha ah oo Jeexdin ku kala saxeexanaya heshiis shirkada gacanta loogu galinayo hawlaha horumarinta.
Dawlada Itoobiya ayaa in badan ku soo celcelisay in amaanka gobolku sugan yahay islamarkaana wax khatar ah ayna soo gaadhayn shaqaalaha shidaalka. dhanka kale, ONLF ayaa digniin u dirtay shirkadaha shisheeyaha iyada oo xusuusisay in uu gobolku uuna amaan ahayn.
Khubarada dhanka amaanka ee arrimaha gobolka la socota ayaa xusay in awooda ciidameed ee jabhada aad loo wiiqay, balse ay fursad u heli karto in ay carqaladeyso mashruucan.