“Innaga Oo Safka Ku Wada Jirna, Waa Inaynu Gacan Bir Ah Ku Qabano Wixii Doorashada Waxyeelaya..” Sheekh Aadan-Siiro DAAWO
Hargaysa 12 November 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Arrimo khuseeya Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka qabsoomaysa Isniinta, waxaanu Dadweynaha ugu baaqay inay meel uga soo wada jeedsadaan wixii dhibaataynaya.
Sheekh Aadan-Siiro oo ugu horreyn ka hadlaya dhibaatooyinka ka dhasha Damaca Dadka qaarkood ku kacaan ayaa yidhi “Waxa jira damac Ummadaha Dumiya, kaasina waaka aynu Maanta ka hadlayno, Damucu Qofka ayuu duminayaa, Hay’adaha ayuu Dumiyaa, Damacaasi waaka Kooxi qaadato ama Qof qaato isagoo doonaya inuu inta kale Dibedda u wada tuuro. Damaca aynu diidaynaa waa Adiga Shay iskaga dhega, Adigoon Sababteedii lahayn, waa inaan Sannadkan noqdo Maal-qabeenka Ummadda, waa inaan noqdo Madaxweynaha, waa inaan noqdo Qofka ugu Cilmiga badan Sannadkan Gudihiisa, Culimadu waxay yidhaahdeen waa hoosayn in Qofku iska jeclaado waxaanu Waddadiisa haynin, Marka ILAAHAY qalbiga ku madoobaynayo ee u Waddada kaa leexinayo waxaad ku meeraysanaysaa waxyaabaha soke ee Qofka Bani-aadamka ahi ku lumo, markaa waxaan leeyahay Waar Damaca aan Waddada lahayn Ummadda ha laga daayo.”
Sheekhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay Dawlad Adag oo wax ka qabata waxyaabaha Dadka ka dhexeeya ee Xilligan Cid gaar ahi ka faa’ideysato “Haddii ay Maanta dhalato Dawlad Adag oo toosan, waanay imanaysaaye, waa in Dawladdu Gacanta ku haysaa Dabka (Energy-ga) oo ka mid ah waxa Dadka ka dhexeeya, si ay si siman ugu noolaadaan Ilmaha Buulka ku jiro iyo ka Daaraha dhaadheer ku jiraa ay si siman ugu noolaadaan. Haddii Dawlad Adagi dhalato qaar baa u haysta inay Dhulka keligood yeelan doonaan, laakiin Afarta Milyan iyo Badhka Somaliland ku nool iyo kuwa dhalan doonaa Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu helo meel uu ku noolaado.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Tirada Dadkeena iyo Dhulka aynu leenahay aad bay u kala badan yihiin, laakiin Hargeysa illaa Xuduudka Itoobiya way oodan yihiin, Halkaa laga bilaabo illaa Badda laga gaadhayo meel aanu Qof sheeganayn ma jirto. Waxyaabaha abaarta keenaya waxa weeyaan Xoolihii baa ashkatoonaya markii dhulkii ILAAHAY loo diiday ee Qofba meel sheegtay.”
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu ka hadlay Xaaladda Kala-guurka ah ee Dalku galay “Xaaladaha Kala-guurka waxaynu u baahan nahay Feegignaan badan, Ummadda la rararayo ee la doonayo in wax loo soo kordhiyo in aanay noqonin mid wax ka dhinta, taas Macnaheedu waxa weeyaan in markaad Tallaabo qaadayso inaad taqaanno maxaa Maanta habboon ee aan Berri habboonayn, taasina waa Aragtida uu wax ku eegayo Qofka uu ILAAHAY Garashada siiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxa soo baxayaa waa Qof oo Hargeysa oo dhami ma soo baxayso, waxa soo baxayaa waa Qof, reer dhami ma soo baxayo, waxaan idinkula talinayaa inaad Sanaaduuqda kala shaqaysaan Ciidammada, Wax Alaale iyo wixii doorashada waxyeelaya innaga Safka ku wada jirna aynu Gacan bir ah ku qabano, Waayo? Qofkaasi Cidna uma danaynayo.”