“Inkastoo Al-shabaab ay dilal ka geysato dalka qaybo ka mid ah oo ay ka mid tahay Baladewyne, hadana weli waxaa jira amaan” Afhayeenka AMISOM
Muqdisho 01. Aug (SDN) Afhayeenka AMISOM oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa qiray inay Muqdisho iyo Gobolada Dalka qaarkood ka dhacaan falal lagu dilay dad aad uga dhex-muuqda bulshada Soomaaliyeed, balse weli uusan amaanku ahayn mid faraha ka baxay.
Col. Cali Aadan Xumad oo sheegay in AMISOM iyo DF ay wadaan qorshe ay ku xasilinayaan gobolada dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho, isagoo aad ugu dheeraaday falalka ay Al-shabaabku ka geysanayaan Muqdisho.
“Inkastoo Al-shabaab ay dilal ka geysato dalka qaybo ka mid ah oo ay ka mid tahay Baladewyne, hadana weli waxaa jira amaan, kaasoo u baahan in lasii adkeeyo” ayuu afhayeenku yiri.
Sidoo kale mar uu ka hadlay falalka amaan-daro ee dhacaya ayuu sheegay in kooxo ku dhuumanaya magaalooyinka waaweyn oo Al-shabaab ka tirsan ay geysanayaan, kuwaasna ay gacanta kusoo dhigi doonaan si ay sharciga u horkeenaam.
Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa DF oo soo dhameystay tababar iyo kuwa AMISOM ay dhawaan howlgalo amni sugid ah ay ka bilaabi doonaan Muqdisho.
“Amniga Gobolada dalka waa wanaagsan yahay, waxaana goobaha amaan ahaan aadka u wanaagsana waxaa ka mid ah Kismaayo” ayuu afhayeenku ku daray hadalkiisa.
Hadalka Afhayeenka Al-shabaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay Al-shabaab ka geysatay gobolada dalka Somalia qaraxyo iyo dolal tan iyo markii ay bilaabatay bishan Ramadaan.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com