Inka Badan 35-qof Oo Ku Naf Waayey Dabaal deg Loo Samaynayey Curashada Sanadka Cusub
Shanghai:01,2015(SDN/QJ)-Ugu Yaraan 35-qof oo u dhashay dalka Chine, ayaa ku dhintay Isku dhac ka dhashay xaflad loogu dabaal degayey Curashada sanadka cusub 2015-ka oo maanta Kaw ah.
Ku dhawaad 42-kalena waa ku waxyeeloobeen, kuwaas oo dhammaantood loola cararay Cisbitaalka, kuwaas oo xaaladooda laga soo dayrinayo.
Arrinta ayaa dhacday waxyar ka hor inta saacaddu aanay isu badalin 2015-ka, waxayna ka dhacday magaalada Shanghia ee dalka Shiinaha, halkaas oo kumannaan qof ay isugu tageen si ay u arkaan sanadka cusub.
Sababta cidhiidhigan ayaan weli la xaqiijin, balse wararka qaar oo lagu qoray baraha bulshada ayaa sheegaya in dadka lagu khiyaameeyey lacag been abuur ah oo fooqa sare ee dabaq laga soo daadiyay intii xafladdu ay socotay.
Lacagta dadkan lagu khiyaameeyey, ayaa la sheegayaa in markii ay arkeen ay isku dayeen inay lacagtaas boobaan, waxana ay taasi keentay inay is jiidhaan oo isku dhac xooggani halkaas ka dhasho.
SDN/QJ