|

Ingiriiska Oo Wefti Culus Usoo Diraya Somaliland

Hargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Dawladda Ingiriiska ayaa wefti u soo diraysa maanta magaalada Hargeysa. Weftiga ayaa la sheegay inuu horkacayo wasiir ka tirsan dawladda Ingiriiska, waxaanay kulanka koowaad la yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo.

www

Waxa kale oo la sheegayaa in weftiga Ingiriiska ahi ay kulamo la yeelan doonaan xubno ka mid ah wasiiradii is casilay oo la filayo inay kala sheekaystaan xaaladda sababtay is casilaadooda iyo weliba arrimo kale oo ay u xiiso qabaan inay xog ka ogaadaan, siday muujiyeen xoggo Geeska Africa helay.

Inka badan 10 masuul oo iskugu jira wasiirro, wasiir xigeenno, agaasimeyaal iyo afhayeenkii xukumadda ayaa si qorshaysan uga baxay xukumadda 26-kii bishan dhammaatay. Waxay sheegeen inay madaxweynaha ku kala aragti duwanaadeen cidda xisbiga Kulmiye uga qayb gali doonta doorashada 2017-ka, kadib markii madaxweynuhu taageero u muujiyay Muuse Biixi.

Iscasilaadda masuuliyiinta xukumadda iyo khilaafka cakiran ee u dhexeeya xisbiga Kulmiye ayaa abuuray dareen siyaasadeed. Waxaana muuqata inay labada garab ee Kulmiye ku kala fogaadeen siyaasadda, iyadoo garabka musharaxiinta isbahaystay mucaaradayaan xukumadda Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye.

Beesha caalamka ayaa hore dhexdhexaadin uga gali jirtay khilaafaadka Mucaaradka iyo xukumadda Soo kala dhex gala ee ku saabsan arrimaha doorashada ama kuwa siyaasadeed ee kale, balse hadda waxa muuqata in xisbiga Kulmiye iyo xukumaddiisa laga dhex bilaabi doono dhexdhexaadin

GEESKA

Comments are closed