|

Ingiriiska oo ka Hadlay Socdaalka uu Wasiirka u Qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah ku Tegay Somaliland iyo Somaliya

London,25july,2015(QJ/SDN)-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay in ujeeddada ka dambaysay in Wasiirka u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah uu ku tego Somaliya iyo Somaliland ay tahay sidii loo xoojin lahaa taageerada gobolka.

Wasiir Grant Shapps oo kulanno la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxameed, Ra’isal-wasaare Sharmarke iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaayo, ayaa masuuliyiintan kala hadlay arrimo kala duwan.

Kulanka uu kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal-wasaarihiisa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uu ku saabsana sidii dawladda Ingiriisku taageero dhinaca ammaanka u siin lahayd ciidammada soomaliya iyo in la isla meel dhigo qabashada doorasho 2016  Soomaaliya ka dhacda.

“Somaliya waxa ay xagga hore kaga jirta siyaasadda Ingiriiska ee arrimaha dibada, gaar ahaan dhinaca caawimada gargaarka bani’aadaminimo iyo horumarinta. In la taageero si ammaan, xasilooni iyo horumar looga helo Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay dadka Soomaalida, gobolka iyo adduunka oo dhan. Tani maaha waxa kaliya ee ay tahay in la qabo, balse waa mawhibada ugu muhiimsan ee qaranka Ingiriisku danaynaayo,” ayuu yidhi wasiir Shapps oo warbaahinta Tooshnews ka soo xigatay.

Geesta kale, kulanka uu Hargeysa kula yeeshay masuuliyiinta Somaliland waxa uu kala hadlay sidii Ingiriisku taageero uga bixin lahaayeen dib-u-cusboonaysiinta tamarta iyo in la horumariyo biyo qaybinta Hargeysa.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah u qaabilsan Ingiriiska iyo weftiga uu hoggaaminaayo oo kulan qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirro xukuumaddiisa ka tirsan waxa ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya, isagoo waliba ku boorriyey in la qaado tallaabo kasta oo aanay doorashadu dib ugu dhacay.

“Dawladda Ingiriisku waxa si adag ugu dedaalaysa in ay caawiso qof kasta oo Somaliland ku nool si mustaqbal wanaagsan uu u helo, iyadoo u saamaxaysa in la helo il koronto amma tamar laga helo oo la isku halayn karo, nadiifna ah. Helida biyo nadiif ah waa muhiimada waddan kasta si uu uga baxo saboolnimada.

Somaliland waxa ay caan ku tahay oo sharaf ku leedahay nabada iyo nidaamka dimuqraadiga ah, iyadoo ku taal mandaqad dhibaatooyin ka jiraan, waxaanay u baahan yihiin in ay la shaqeeyaan waddamada jaarka si loo dardar geliyo xasilooni fidsan,” ayuu yidhi Mr. Shapps.

Mashruuca dib-u-cusboonaysiinta Tamarta ee DFID , ayaa ah mashruuc cadceeda iyo injiino naafto ku shaqeeya lagaga dhalinaayo dab si 2,000 guri u helaan tamar ku filan oo nadiif ah.

Xigasho: Tooshnews

Comments are closed