|

Ingiriiska Oo Dacwad Musuqmaasuq Kusoo Oogey shirkada Soma Oil And Gas iyo Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay-Akhri Warbixin

Muqdsho,3Aug,2015(QJ/SDN)-Xafiiska baadhista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey dacwad ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baadhaysa Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

 

War kasoo baxay xafiiska baadhista dambiyada ayaa lagu sheegey in dacwadda la baadhayo ay tahay mid la xidhiidhta musuq maasuq iyo lacago laaluusha ah oo ay bixisey shirkadda markii la siinayay qandaraaska shidaal baadhista Soomaaliya.

 

Soma Oil oo jawaabtay:

 

Afhayeen u hadlay shirkadda Soma ayaa sheegey in aanay jirin wax isdabamarin ah oo ay sameysay shirkadda, islamarkaasina ay ku shaqeyso si sharciga waafaqsan.

Waxa uu intaasi ku daray in ay wadashaqeyn la leeyihiin baadhayaasha kiiska oo ay doonayaan in magacooda ay nadiif ka dhigaan.

 

 

Shirkadda waxaa madax ka ah ninka lagu magacaabo Micheal Howard oo ka tirsan aqalka baarlamaanka dalkaasi, horeyna u ahaa guddoomiyaha xisbiga Conservative ee hadda talada haya.

 

Dowladda Soomaaliya oo difaacdey SOMA.

 

Ibraahim Xuseen oo madax ka ah xafiiska xidhiidhka caalamiga ah ee wasaaradda batroolka ayaa sheegey in Soomaaliya ay ku qanacsantahay shaqada SOMA, islamarkaasina aanay joojin doonin wadashaqeynta ka dhaxeysa illaa laga soo caddeeyo in dambi la galay.

 

Sidoo kale wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ahaa qofkii heshiiska saxiixay markii uu ahaa wasiirka batroolka sanadkii 2013-kii ayaa sheegey in uu aad ola yaabay dacwadda lagu soo oogey.

 

Eedaha Jira

 

Warbixin ay sameeyeen guddiga kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegey in ay baarayaan heshiis shirkadda SOMA ay la saxiixatay wasaaradda batroolka oo ah in shirkadda ay shaqaale u tabobarto wasaaradda, islamarkaasina ay bixiso mushaaraadka shaqaalaha, taasi oo ka taloowsan waxyaabihii uu qandaraaska shidaal baadhista khuseeyay.

 

Horey waxaa shaki looga qabay sababta shirkadda oo bil uun ka hor la asaasay loogu saxiixay heshiis sidan u weyn sanadkii 2013-kii, iyada oo shirkaddu aanay lahayn wax khibrad shaqo ah.

Maxaa Ka Lumaya Soomaaliya

 

Shirkadda waxa ay sheegtey in illaa $40 milyan oo doolar ay ku bixisey hawsha shidaal baadhista, taasi oo labo jeer ka badan intii ay ugu talogashay, sida ay SOMA sheegatay.

 

Billo ka hor waxa ay shirkadda sheegatay in boqolkiiba %90 ay qaadan doonto faa’iidada kasoo baxda marka shidaal lasoo saaro, waxaana xusid mudan in qandaraaska horey loola saxeexdey ay qeyb ka tahay in shirkaddani la siiyo ceelasha ugu nacfiga badan marka baadhista la dhameeyo.

Taas waxaa beeniyey wasiirka batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, isaga oo sheegey in aanay jirin wax heshiis ah oo arrinkaasi ku saabsan.

 

Laakiin waxaa jirta in xogtii ay soo uruurisey SOMA intii ay shidaal baadhista ka wadday badda Soomaaliya ay wali gacanteeda ku jirto, islamarkaasina diidey in ay ku wareejiso dowladda Soomaaliya sidii heshiisku ahaa.

 

Balse markii arrintaasi la weeydiiyey wasiirka batroolka Maxamed Mukhtaar waxa uu sheegey in 15-ka bishan Agoosto laga soo wareejin doono xogta, islamarkaasina aanay jirinba awood ay Soomaaliya ku xifdisan karto xogta ama ay ku suuq geysan karto, hadalkaasi oo ay dad badan ka yaabeen.

 

Haddii shirkadani lagu helo dambi, waxa ay ka dhignaan kartaa in xogtii Soomaaliya ay u baahneyd ee laga hayay ay sidaasi ku maqnaato illaa abid.

QJ/SDN: Hargeysa Office

Comments are closed