Ingiriiska Oo Bilaabay Olole Lacag Loogu Ururinayo Abaaraha Bariga Afrika
London 16.March 2017 (SDN/QJ):- Hay’adaha gargaarka ee saldhiggoodu yahay waddanka Ingiriiska, ayaa Shalay waxay qabteen codsi wada jir ah oo mucaawino loogu ururinayo malaayiinta qof ee macaluushu ku soo foodsaartay Bariga Afrika.
In ka badan 16 milyan oo qof oo gobolkan ku nool ayaan maalinkaa maanta ah wax ay afka geliyaan aan haysan meel ay ka helaanna aan garanayn, waxaana ugu sii liita carruurta oo qarka u saaran geeri ay gaajo keentay haddaan ILAAHAY Faraj u furin.
Abaarta iyo colaadda ayaa saameyn ku yeelatay nolosha malaayiin qof waddamada South Sudan, Soomaaliya, Somaliland, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasi oo si deg-deg ah ugu baahan cunto, biyo iyo daaweyn caafimaad.
Gudiga masiibooyinka xaaladdaha deg deg ah ayaa Shalay ku dhawaaqaya qaylo dhaan la xidhiidha masiibada Bariga Afrika waxaana si toos ah looga baahan doonaa hay’adaha warbaahineed ee ugu waa wayn dalkani UK sida BBC, ITV, Channel 4, Channel 5 iyo Sky.
Lacagaha la urursho ayaa lagu taageeri doonaa dedaalka ay wadaan hay’adaha samaflka ee ka midka ah DEC si loo gaadhsiiyo qoysaska iyo bulshooyinka ay waxyeeladu taabatay.
Madaxa fulinta Guddiga masiibooyinka xaaladdaha deg deg ah ee magacooda loo soo gaabiyo DEC Saalax Saciid ayaa yidhi “Dhibaato wayn oo gaajo baaxad ayaa ka soo muuqanaysa Bariga Afrika. In ka badan 800 kun oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa si xoogan u fuuq baxay, haddii la helin daaweyn deg deg ah, waxay halis ugu jiraan khatar, macluul iyo dhimasho”, ayuu yidhi Salax oo intaasi ku daray: ”Waxaynu maqlaynaa in qoysasku ay u baahan yihiin cunto iyagoo bilaabay cunista caleemaaha si ay u nooladaan, tanina waa mid in qoysna ku sugnaado ayna ahayn”
Guddiga masiibooyinka xaaladdaha deg-dega ah ee DEC waxaa xubno ka ah 13 hay’adaha gargaarka ee ugu wayn UK oo ay ka mid yihiin Action Aid, Age International, British Red Cross, CAFOD, CARE International, Christian Aid, Concern Worldwide, Islamic Relief Worldwide, Oxfam, Plan International UK, Save the Children, iyo TearfundLaanta gurmadka degdegga ah ee masiibooyinka ee dalka Ingiriiska ayaa waxay bilaabaysaa Codsiga taakulaynta dalalka Bariga Afrika ee abaaruhu halakeeyeen.