Ingiriiska Oo 4-Sano Kadib Dib U Furtay Safaaraddii Uu Ku Lahaa Dalka Iraan
Tehran:Aug,24,2015(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Ingriiska, ayaa maalintii shalay dib u furtay Safaaraddii ay ku lahayd Magaalada Tehran ee Dalka Iran, kadib Muddo afar sano ah oo ay xidhnayd.
Dadweyne cadheysan, ayaa bishii November ee sanadkii 2011-ka xoog ku galay Dhismaha Safaaradda Britain, xilli ay markaa taagneyd xiisad Iran kala dhaxeysay Wadamada Reer Galbeedka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond, ayaa ka qaybgalay munaasabadda maalintii shalay dib loogu furay Safaaradaasi. Wuxuuna noqonayaa masuulkii ugu horeeyay oo Britain ka socda, booqashana ku tagga dalkaasi, muddo 12 sano ka dib.
Xoghayaha oo ka hadlaayay Munaasabadaasi, ayaa sheegay inay dhisayan xidhiidh wanaagsan, inkastoo uu qiray inuu jiro shaki weyn oo la qabo iyo arrimo muhiim ah, oo sida uu sheegay aragtiyo kala duwan laga haysto.
Xukuumadda Tehran, ayaa iyana lagu wadaa toddobaadkan inay dib u furato Safaaradeedii Magaalada London Ee Xarunta Wadanka Britain, ka dib sanado uu khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac.
Tani, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo badhtamihii sanadkan ay Iran iyo Reer Galbeedka heshiis ka gaadheen barnaamijka nuclear-ka Iran. Tani waa bilow wanaagsan oo u bilowday Wadamada Reer Galbeedka iyo Iran.
Iran & Reer Galbeedka, ayaa dib u yegleelaya xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed, iyadoona Iran lagu wado in laga qafiifiyo cunaqabataynta saaran ee dhaqaalaheedii wiiqay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com