|

Ingiriiska iyo Faransiiska oo sheegay in ay hub siinayaan mucaaridka Suuriya

London Mar 14(SDN)-Dawlada Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa farta ku fiiqay sidii ay  ay hub usiin lahaayeen kooxaha mucaaridka ee Suuriya, kasokow xayiraada dhinaca hubka ah ee midawga yurub uu kusoo rogay dhincyada Suuriya ku dagaalamaya .

Raysal wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameroon ayaa sheegay in dalkiisu uu doonaayo sidii uu- u qancin lahaa wadamada midawga Yurub in ay  qaadaan xayiraadaasi dhina hubka ah, hadii kale ayuu yidhi in ay ku dhaqaaqi doonaan talaabo iyaga ugooni ah.

Hadalkan oo u raysalwasaare Cameroon uu siiyey guddi ka tirsan baarlamaanka Britain ,ayuu ku sheegay inuu doorbidaayo talaabo wadajir ah oo midawga yurub ku dhaqaaqo , taasi oo ah sidii  loo qaadi lahaa  xayiraada dhinaca hubka ee saaran mucaaridka Suuriya, hadii kale ayuu yidhi in Britin ay ku dhaqaaqi doonto talabo u gooni ah, taasi oo ka dhigan in ay hubnaynayaan kooxaha mucaaridka ah ee dagaalka kula jira madaxweyne Assad-ka Suuriya.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed