|

Indonesia Oo Xalay Dilal Ku Fulisay 8-Qof Oo Hore Maxkamdi Xukun Ugu Ridday Iyo Reer Galbeedka Oo Qaylo Miciin Biday

Jaharta:April,29,2015(SDN/QN)-Dawladda Waddanka Indonesia, ayaa Aakhirkii Habeenkii xalay fulisay Dilalka Siddeed qof oo hore in la dilo loo qorsheeyey, kuwaas oo maxkamaddi ku heshay dambiyo la xidhiidha Daroogo ay si sharcidarro ah u iibinayeen.

ooxXeer Ilaaliyaha Guud Indonesia Eddy Arta Wijaya oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Dowladda Indonesia ay xukun dil ah ku fulisay sideed ka mid ah, sagaal ruux oo saqdii dhexe ee xalay la qorsheynaayay in la toogto.

Haweeney u dhalatay dalka Philippine oo ka mid ah dadka lagu waday in la toogto, ayaa laga reebay toogashada daqiiqadii ugu dambeysay. Haweeneydaasi waxaa lagu magacaabaa Mary Jane Fiesta Veloso, sababta toogashada looga reebayna ma cadda.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa wuxuu tibaaxay inay tani farriin cad u noqon doonto dadka doonaaya, inay daroogada soo geliyan dalka Indonesia, iyadoo la burburinayo jiritaanka dalkaasi, sida uu sheegay.

Ragga la toogtay, ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Australia, Brazil, Ghana, Indonesia iyo Nigeria. Nin u dhashay dalka Faransiiska oo hore dil loogu xukumay, ayaa racfaan ka qaatay xukunkaasi.

Qoysaska dadkan oo niyad jebsan, ayaa waxay shalay ku booqdeen xabsi si aad ah ammaankiisa loo adkeeyay oo ku yaala Jazeerada Nusa Kambangan. Waxayna booqashadan ahayd middii ugu dambeysay, sida ay horeyba u sheegtay Dowladda Indonesia.

Wadamada Reer Galbeedka, ayaa si xoogan u cambaareeyay xukunka dilka ah, ay Dowladda Indonesia ku fulisay sideeda qof, xilli la qabtay, iyagoo faraha kula jira ka ganacsiga daroogada.

Dowladda Australia, ayaa waxay Dowladda Indonesia ka codsatay inay u naxariisato laba nin oo heystay dhalashada dalkaasi, oo ka mid ahaa dadka xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxana ay Isla xalay u yeedhatay Safiirkeedii u fadhiyey Dalka Indonesia.

Myuran Sukumaran iyo Andrew Chan oo heystay dhalashada dalka Australia, ayaa waxay laamaha ammaanku soo qabteen, iyagoo daroogo sida, waana midda keentay xukunka dilka ah ay muteysteen.

Eedeysane-yaasha qaarkood waxay Maxkamadi ka hor qirteen in la qabtay, iyagoo daroogo ka dhoofinaya dalkaasi, halka qaarka kalana la qabtay iyagoo soo gelinaaya.

Dad maalintii shalay isugu soo baxay Jazeerada Nusa Kambangan, ayaa waxay wateen boodhadh ay ku codsanayan inaan la toogan eedeysane-yaasha, iyadoo dareen naxariis ihi loo muujinayo.

Indonesia, ayaa waxay iska dhego tirtay baaq xoogan oo kaga imanaayay Australia iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, waxayna qaadatay tallaabo aynaan ka laba labeyn. Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ayaa taageeray go’aankii ugu dambeeyay ee Maxkamaddu ka qaadatay xukunka lagu riday eedeysane-yaasha

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed