|

India:Wasiir Sharciyadda Shahaadadiisa Oo Laga Shakiyey Darteed Xabsi Loo Geliyey

New Delhi:June,10,2015(SDN/QJ)-Waddanka India wax aka dhacday arrin aad u xiiso badan, kadib markii Wasiirkii dhinaca Sharciga u qaabilsanaa, ay ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen, iyadoo lagu eedaynayo in shahaadada uu haystaa tahay mid been abuur ah.

mahadJitender Singh Tomar ayaa lagu eedeeyey khiyaano iyo been abuur, ka dib markii uu soo baxay shaki ah, inuu shahaadada jaamacadda dhinaca Sharkiga ah ku dhameeyey gobolka Bihar, waxaana hada ku socda baadhitaano.

Wasiirka ayaa kasoo horjeestay eedeymaha loo jeediyay waxa uuna ku adkeysanayaa shahaadada uu haysto ee dhinaca Sharciga ah in ay tahay mid sax ah, waxaana Warbaahinta Hindiya ay si weyn u hadal hayaan sheekadan.

Xubno ka tirsan xisbigiisa Aam Aadmi, oo loogu codeeyey awoodda Delhi, iyadoo loo igmaday in ay la diriraan musuqmaasuqa ayaa ku eedeeyey kooxaha ay siyaasadda isku hayaan in ay aargoosi u maleegeen wasiirka.

Caalamka waxa ceeb weyn ka ah in qof shaqo loo dirtay ay kusoo baxdo sheegashada wax aanu ahayn, waxana arrintaas la geliyaa wakhti badan iyo dedaal dheeri ah, balse somalida dhexdeeda la iskuma sii taxalujiyo arrimaha noocan oo kale ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed