|

India : Waxbarashada Guryaha Oo Ka Wanaagasan Ta Dugsiyada & Sababta!!!

Delhi 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Arrin aad u layaab badan ayaa ka dhacday Dalkaasi India kadib markii arday wax ku barta guryahooda ay ugu sareeyeen natiijadii Imtixaanaadkii Dugsiga sare ee Dalkaasi, ardaydan ayey waalidiintoodu ka joojiyeen inay dugsiyada tagaan, dhinaca kale Wasaaradda waxbarashada Dalkaasi ayaa u ogolaatay ardayda aan dugsiyada waxba ku dhigan ee sida gaarka ah wax ugu barta guryahooda inay u fadhiistaan Imtixaanka Dugisiga sare.

 

Urmila Samson oo ka mid ah waalidiinta ubadkooda guryaha wax ku bara oo Wiil ay dhashay ka qayb galay itmtixaanka Dugsiga sare ayaa waxay tidhi “Waxa jira arrimo aad u fara badan oo ku kalifaya waalidka inuu ilmihiisa guriga wax ku baro, waxaanay waalidiin badani aaminsan yihiin in ubadkoodu marka loo qabto macalin gaar ah ay noqdaan qaar si tayo leh wax u barta, ta ugu muhiimsan ee waalidku u jecel yahay in ilmihiisu guriga wax ugu bartaana ay tahay Amaanka ilmaha ubadka oo waalidoontu aad ugu baqaan”.

Dugsiyada dalkaasi India ayaa waxa laga cabsi qabaa in tayadooda waxbarasho hoos u dhacdo kadib markii ay waalidiin badan go’aan ku gaadheen inay ubadkooda guryaha wax ku bartaan, macalimiinta ayaa sidoo kale aad u jecel inay guryaha ardayda ku baraan maadaama oo ay helayaan lacag ka badan ta ay dugsiyada ku qaataan.

Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada dalkaasi India ayaa bilawday barnaamijyo wacyigelin ah oo lagaga hortagayo arrintan xilli ay sii badanayso tirada ardayda wax ku barta guryahooda, waxaana halkaasi ka cadaatay in siyaasadda waxbrashada ee dalkaasi noqotay mid aad u hooseysa.

Comments are closed