“Indhaha Dadka Daneeya Ciyaaraha ayay soo Jiidatay Kadib Markii Iyadoo Asturan ay ka qayb gashay Ciyaaraha Olympikada ee Dalka Brazil” Waa Gabadh Masar u dhalatay
Rio 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Cayaar yahanad u dhalatay dalka Masar oo ka qayb galaysa cayaaraha Olympikada Rio ayaa sheegtay in xijaabku uusan u diidayn inay tartannada ka qayb qaadato dalkeedana u matasho.
Gabadhaan oo lagu magacaab Doaa Elghobashy oo dalkeeda u cayaaraysa Kubadda Laliska ayaa shaashadaha caalamka laga daawaday ayagoo ku cayaaraya xeebta Copacabana. Waxay la cayaareen dalka Jarmalka iyo Itaaliya.
Hablaha reer Jarmal oo soo bandhigay labbis wax badan ka duwan kan gabdhaha Masaarida, ayaa Elghobashy ay sheegtay inay ku faanayso xirashada xijaabka xilli cayaareedka.
“ Xijaabka wax walba oo aan qabanayo igama hor istaago ” ayay sii raacisay.
Xidhiidhka Caalamiga ah ee kubadda Laliska (Volleyball) ayaa khafiifiyay habka dhar xirashada ee cayaaraha, ayagoo ogolaaday in xijaab iyo surweel dheere lagu cayaari karo, waxayna fursad u noqotay hablaha lamid ah Elghobashy