‘‘Inay Masaajiddo Gaar Ah Ku Tukadaan, Culimadana Aflagaadeeyaan’’ Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar Oo Ka Digay Waxay Faafinayaan Koox-diimeedyo Astaantoodu Tahay
Boorama 15. August 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar oo ah Sheekhul Beladka Magaalada Boorama, ayaa ka digay Koox diimeedyo yaryar oo uu sheegay inay Dalka ku soo badanayaan isla-markaana faafinayaan Afkaar Diimeed oo aan Sax ahayn.
Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Boorama, ayaa sheegay inay Magaalooyinka Somaliland ku soo badanayaan Kooxo inta ay Guri iyo Masaajid yar meel gaar ah ka dhistaan, aan ogolayn inay Masaajiddada kale Dadka kula tukadaan, kuwaasi oo uu sheegay in Dawladda oo keliya wax ka qaban karto.
Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu Ummadda uga digaynaa, Magaalooyinkeenna oo dhan waxa ka samaysmay Kooxo yaryar, Kooxdaasi Guri buu dhisanayaa, Masaajid yarna wuu ka Garab dhisanayaa, Dabadeedna Dadka ayaa loo soo ururinayaa, Dadka oo dhanna ma wada doonayo, oo wuxuu odhanayaa kaa’ ha keenina, Adigu kaalay..”
Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaad arkaysaa Gaadhi Magaalada ka soo galay bariga oo tagaya Koonaha kale ee Magaalada, intaa waxay garab-marayaan Masaajiddo, waxayna leeyihiin kuwa kale Masaajiddo maaha, Ninka jooga Masaajidka hebel ayuun buu Imaam ah.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ninkaasi ma akhriyo Kutubtii aynu naqaanay, Carabigii ma akhriyayo, Fiqi ma akhriyayo, Xadiiskii ma Akhriyayo iyo Anwaacdiisii Bukhaari iyo Muslim iyo Kutubtii Sunanka, Cilmi Usuulu Fiqi ma dhigayo, wuxuu dhigayaa Waraaqo inta suuqa la geeyay la soo rogay (daabacay/jasilay) oo Afkaar ah.”
Sheekh Cabdillaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Kooxahani aanay Magaalo gaar ah ku koobnayn, “Dadka nooc ahi dhibaato ayay Dalka ku soo wadaan, Gobol kastana way ka samaysan yihiin, laakiin Nidaam Guud oo Dawladda Somaliland iska aragta ayaa wax ka qaban karta..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo sifaynaya waxyaabaha lagu Aqoonsan karo, isagoo xusay inay Caan ku yihiin inay Culimada Aqoonta Diinta leh Dhaliilaan “Dadkaa waxa Astaantooda ah oo aad ku garan kartaan, qaar baanu aragnay Afka la dhacaya (Wax ka sheegaya) Culimada Ajilada ah ee Jaamacadaha ka soo baxay, waxaan ku idhaahdaa markaad dacnidaan (Culimada waaweyn) Cidda aad nabadgelinaysaan waa ayo..”?
Sheekh Cabdillaahi waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in Arday ay wax u dhigayeen Kooxaasi ay u aryeen inay Masaajiddo kale ku tukadeen darteed “Waxa la ii sheegay Arday Dhowr iyo Toban ah oo Nin uu meel ka soo eryey, isagoo yidhi waxaad ku xidhan tihiin Culimada Kutubta ka akhrida Masaajiddada, Taraawiixdii baad Masaajiddo kale ku tukateen, miyaanan idinkula ballamin inaydaan Sheekh kale wax ka Akhrisan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxyaabahani waa wax soo yara hurraya, Dabkuna wuxuu ka huraa Dhimbiilo yaryar, markaa hadday sii waynaadaana waa laga hadli doonaa.”