“Inankaa Yar {Ra’iisal Wasaaraha Somalia}, In Uu Yidhaahdo ‘Aloore Ciidamadii Somalia Ayaan Buuhoodle Ka Samaynayaa’ Wuu Riyoonayaa…” Eng. Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargaysa 01. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Luuqad adag Kula hadlay Raysal Wasaaraha Dawladda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayr.
Eng.Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga UCID oo warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu eedihii ugu cuslaa u jeediyey raysal wasaaraha Somaliya Xassan Cali Khayre isla markaana uu u hanjabey.
Waxaa uu sheegay In Raysal wasaaruhu isaga oo aan gaadhi karin degmada uu ka soo jeedo ee Dayniile ee duleedka Muqdisho uu ku riyoonaayo in uu ciidamadii Somaliya ka dhiso magaalada Buuhoodle oo ku taala dhulka Somaliland.
Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag jawaab uga bixiyey hadalo kasoo yeedhay xukuumadda Xamar oo ay masuuliyiinta Somaliya sheegeen in ay qorayaan ciidamo Milateri.
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu u hanjabey Somaliya Gaar ahaan Raysal Wasaaraha,waxaana uu si adag uga hadley oo uu ka deyriyey xaaladda cakiran oo ka jirta gobolka Buuhoodle.