|

Inaba Dib Ma U Jaleecdey Goolhayihii Horseed Iyo Qarankaba(JAAHUUR)

 

Ottawa-Agu-21-08-2012-qurbejoognews.com-Waxaa inoo suura gashay inaan waraysi la yeelano Max’ed Cumar oo ku magac dheer Jaahuur oo ahaa goolhayihii hore ee naadiga Horseed iyo xulka qaranka Somalia kaasi oo haatan ku sugan dalka Canada.

Hadaba waxaa uu u dhacay waraysiga sida tan:Qurbejoog Xagee ku dhalatay?

Jaahuur. Waxaan ku dhashay magaalada HARAR.

Qurbejoog- Goormee ayaa bilawday cayaarta.?

Jaahuur.  Waxay igu dhalatay inaan bilaabo goolhayinimada anoo 10 sanno jira waxaana sii jeclaaday barnaamajkii cayaaraha ee ka bixi jirey radio muqdisho ka maqli jireyna goolhayihii caanka ahaa ee jeylaani khaliif aakhirkiina macalin ii noqday.

 Qurbejoog- Kahor inta aadan ku soo biirin kooxda Horseed heerarka sports ee aad soo martay wax ma nooga sheegi kartaaa?

Jaahuur.  Markii aan ku soo hannad qaaday Hargeysa kana bilabay goolhayinimada anow jira 10sanno ayaan waxaan ku bilaabay heer sharad,heer iskuul,heer degmo,haddaba 1975 ayaan waxaan booqosho ugu imid qaar ka mida faamilkayga oo dernaa magaalada Kismaayo,runtii waxaan arkay magaalo aad looga jecelyahay isboortiga,galab ayaan tababar la qaatay kooxda wakaaladda muusska tababar runtii waxaa aad ii jeclaaday tababarihii kooxda QARIIDI iguna dhiiri galiyey inaan ka midnoqdo kooxda, haddaba markii aan arkay runtii magaalo aad looga jecelyahay ayaan tababare Qariidi ka aqbalay inaan ka mid noqdo kooxda,markii aan u cayaaray labo sanno ayaan ku wareegey warshadda Hilibka waxaana ku guulaystey labo horyaal iyo hal janaraal daa’uud iyada oo markaa ay ka dhisnaayeen shan koxood oo kala ahaa WArshadda Hilibka,Wakaaladda Muuska,Badda,Fiyaat,Dowladda Hoose,haddaba 1978 ayaa la ii magaacaabay xulka gobolka jubbada hoose ilaa 1979,1980.Haddaba waxaan jeclahay inaan halkan ka xuso ciyaaryahanadii aanu isla soo kifaaxnay oo iskugu jira kuwii naadigaygii iyo kuwii xulka gobolka,Tababarahaygii xulka QARIIDI, SABTOW, JABROWS, BIIG, YABOW, SACIID GALTI, CUMAR GEDOW, SAANJO, KHALIIF DAA;UUD, ABSHIR XAREED, MAKH-MAKH, DELI HAMADA DILI, KUDUUNGO, DIINI, HAMAADAM-GOORGE iyo qaar kale oo badan.

Qurbejoog- Goormaad ku soo biirtay Naadiga Horseed.

Jaahuur.  Waxaan ku soo biirey bHorseed 1980.

Qurbejoog- Ma xasuusata kulankii kuugu horeeyay ee aad u safatay kooxda Horseed iyo kooxda aad la cayarteen.?

Jaahuur.  Waan xasuustaa kulan kii aav usaftay Horseea waxaana la ciyaaray kooxda Badda.

Qurbejoog- Ma noo sheegi kartaa cayaartii kuugu xumeyd hadii ay ahaan lahayd qaranka ama koooxda Horseed.?

Jaahuur.  Waan xasuustaa ciaartii iigu xumayd waxayna aqhayd ciyaar ka mid ahayd koobka koobabka Afrika, waxaanu la cayaarnay TUUNISIYA laba gool ay difaacaygu iga dhaliyeen ayay nooga badiyeen markaa wargeyskii subaxnimadii soo baxay waxaa bogiisa hore ku qornaa JAAHUUR WEERARKII TUUNISIYA WAXAA UGA DARNAA DIFAAC WEERARKII HORSEED.

Qurbejoog- Cayaartii kuugu wanaagsanayd ama kugu farxad badneyn bal inoo sheeg qaranka ama kooxda.?

Jaahuur.  Waxaa iigu farxad badnayd labo cayaarood oo ka tirsanaa koobka koobabka AFRIKA waxayna kala ahaayeen midi waxay ka dhacday magaalada madaxda dalka Suudaan ee KHARTUUM Ciyaartuna waxay ku dhamaatay 1-1 halkaana angaa ku soo baxanay. Ciyaarta kale ee iigu farxadda badnayd waxay ahayd tii ka dhacday Moudisho istaadiyam wxaanu la ciyaarnay ALMUQAAWILUUN oo ka socotay MASAR waxaanu uga badinay 2-0.

Qurbejoog- Yaa kugu dhiira galiyay cayaarta oo aad is dhihi kartaa waa uu kugu garab qabtay?

Jaahuur.  Runtii waxaa igu dhiiri galiyey Alla ha u naxariiste CUMAR CANJEESTO oo watay xulka qaranka 1973 tababarana u ahaa ayay waxay HARGAYSA waxayna ku xaroodeen Dusgii sare ee la odhan jirey 1da luuliyo iyagoo markaa isu diyaarinaya ciyaaro dibadda ah,markaa galab galbaha ka mid ah iyaga oo tababar ku qaadanaya garoonkii weynaa ee magaalda Hargeysa ayaa aniga iyo ciyaal aanu saaxiibo ahaayn oo ku ciyaarayna kubad meel ayaga u dhow ayaa waxa i arkay tababare Cumar Canjeesto anoo goolka si fiican u haya wuu ii yimd wuxuu igu yidhi waad yartahay qaabkii gooltahan waa tahay heer qaran ayaad ka gaadhi doontaa haddii aadan ka caajisin.

Qurbejoog- Goormee ku biirtay xulka qaranka Somaliya?

Jaahuur. Xulka qaranka waxaa la ii magacaabay 1985.

Qurbejoog- Yaa kamid ah xidiga ama daafacyada aad sida weyn u jecleyd in ay hortaada joogaan?Qaranka ama kooxda?

Jaahuur. Shaash,Cayrow,Aweys Fundi,Aways Kismaayo,John Faqri,Dujuumo,Cambar, Sinigaal.

Qurbejoog- Ma noo sheegi kartaa weeraryahankii aad ka qal qali jirtay marka uu ku soo weeraray?

Jaahuur Runtii waxaan aad u dhibsan jirey Alla ha u naxariiste SHEEKHAALOW.

Qurbejoog- Waxaa ahayd Jaahuur gool haye xarako badan oo gacmaha soo gashada walxo xarakaat ah waxaana ku lahayd gudaha dalka taageerayaal badan kuwaasi oo mar qura ku waayay halka aad ka baxday maxaase u sheeegi kartaa taageerayaashaada ku nool gudaha dalka Somaliya?

Jaahuur Taageerayaashayda waxaan u sheegayaa inaan ku noolahay Dalka KANADA waana ku mahadsantihii taageeridda aad i taageeri jirteen waxaana igala soo xirii kartaan JaahuurQ hotmail.com.

Qurbejoog- Jaahur ma ogtahay in gool hayihii  kooxda Horseed iyo xulka qaranka Somaliya ee Jeylaani Khaliif isla markaana kaaga horeeyay kooxda horsed  uu ku dhibaataysan yahay degmada Afgooye tuulo dhowr kilo miter u jirta hadii aad la socotana side ayuu noqday dareenkaagi?

Jaahuur 1980 waxaan horseed ugu imid Jaylaani, BIyoolay,iyo Xamaama,nasiib wanaag Cumar Canjeesto oo anoo yar igu dhiirigeliyey ayaaa waxaa dhacday inuu yimid horseed ka codsadayna in si kumeel gaadha la ii siiyo JAAHUUR bacdamaa aad haysataan afar gool haye markaa waxaan munishiibiyo u cayaaray laba sanno 1983 ayaan ku soo laabtay Horseed markii uu ka fadhiistey tababarana ii noqday.Haddaba daraykaygu aad baan uga xumaaday dhibaatadii ku timid waana la xiriirey waana ka farxiyey.

 Qurbejoog- Cayaartoydiina dibadaha ku nool waxaa jira xidigihi hore ee dalka Somaliya in ay haatan ku dhibaataysan yihiin gudaha dalka marka ma isku daydeen in aad wax u qabataan mana jirtaa iska warqab cayartoydiina dibadaha ku nool ?

Jaahuur Runtii ciyaartoydii fursada u hesho ee ka baxday waddankii waxaan aaminsanahay in wax loo taro ciyaartooydii joota gudaha aniguna aan ka mid ahay kuwa aadka wax ugu taray.

Qurbejoog- Jaahuuroow mala socotaa xaaladda Sports-ka Soomaliya gaar ahaan kubadda cagta heerka ay mareyso hadii aad la socotana maxaa ku tilmaami kartaa iyadoo aanan la cayaarin mudo saddex sanno ah horyaalka dalka iyo koobka Janaral Daa’uud ?

Jaahuur Koley waxaan u malaynayaa waxaa ugu wacan bur-burka ku yimid waddanka ayey la dhaqaaqi wayeen horyaalka iyo  janaraal Daa;uud waanu u soo ducaynaynaa inay sidoodii hore ku soo noqdaan.

Qurbejoog- Jaahuur wali ma cayaartaa mise waa iska daysay cayaarta kubadda cagta ?

Jaahuur Runtii nasiib wanaag ciyaartooyadii cuslaatay mar waxaanu iskugu nimaadnaa Ingiriiska,Maraykanka iyo Kanada Makaa waxaanmu ciyaanaa koobka ciyaartooyda cuslaatay.

Qurbejoog- ugu dambeyntii yaa halkaan ugu mahad celinaysaa?

Jaahuur Marka hore waxaan u mahadnaqayaa ILAAHAY marka xiga tababarayaashii isoo maray QARIIDI,CUMAR CANJEESTO,MUREELA Barzil ,IBRAAHIIM ALSANAARI Masar ,GARAAR,CABDI KUUS,CABDI CUMAR,JEYLAANI KHALIIF iyo damaan tageerayashaydii meelkasta ay joogaanba iyo bahweynta cayaaraha jecel iyana meel kasta ay joogaanba.

W/wareystey qurbejoog

mjaahuur@hotmail.com 

Comments are closed