|

“Ina Xirsi-qaniyow Inankii Yaraa ee Cabdiraxmaan Cirro Ku Lahaa Sankaan Caano Kaa Keenayaa Inuu Maanta Nookaa Adeegsado Kaa Yeelimayno…..”Suld. Sabbayso

Hargeysa:Aug,06,2016(SDN/QJ)-Suldaan Mawliid Cali Ibraahim(sabbayso)oo kamid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyey Dhawaaq dhawaan kasoo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, kaas oo dibaaqayey War uu hore saxaafadda u siiyey.

SABAYSOSuldaan Sabbayso oo maalintii shalay saxaafadda kula Hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa si weyn uga biyo diiday  hadal uu Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani dhawaan warbaahinta mariyey, kaas oo uu taageero laxaad leh ugu muujinayey safarkii madaxweynaha ee Gobollada Bariga, isla-markaana si gaar ah ugu hambalyeynayey wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Cali.

Suldaanku waxa uu nasiibdarro ku sheegay jawaabta Suldaanku ka bixiyey safarkii madaxweynaha, waxana uu ku micneeyey jawaab ujeeddo gaar ah laga lahaa, isla-markaana lagu raalligelinayey wasiirka Madaxtooyada,“hadal aan anigu hore usheegay ayaa wax aka damqaday wiilka wasiirka ka ah Madaxtooyada, waxana nasiib darro ah inuu Suldaan Maxamed Xirsi-qani isla saacaddii aan hadlay laga hadliyey. Haddii aan ina xirsi qaniyow idhi Caasimadda Hargeysa ayaa biyo la’aan loogu dhimanayaa, inaad iigu jawaabto Sool iyo sanaag baan waxqabadkeeda xirsi iyo siilaanyo ku hambalyeynayaa inaad iigu jawaabto may ahayn. Sool iyo Sanaagna nagama xigtide waxa nasiib-darro ah adigoo suldaankii Guud ee Habar-yoonis ah inaad Nin cashuurtuu naga ururiyey ku faanayaa nookaa adeegsado, waana wax aan saldana qabanin.” Ayuu yidhi Suldaan Sabbayso.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu jacayl badan u hayo Shacabka Gobollada Bariga, isla-markaana horumarkooda taageersan yahay, balse hadalka Suldaan Xirsi-qani ahaa mid laaxin badani ka muuqday, waxana uu yidhi,“Waligaa habeen caddaalad darro somaliland ka dhacaysa kama aad jawaabin, waxana wanaagsanaan lahayd adigoo caddaalad-darro waddanka ka dhacday oo aan taageeray iiga jawaabto, waligayna ma odhan Gobollada Bari yaan waxba loo qaban, waanan sheegay in dadka ku nooli dadkaygii yihiin, Hadalkii suldaan Maxamed xirsi-qanina Laaxin baa ku jirey oo Xirsi baa ka dhex hadlayey.”

Waxa uu Suldaan Sabayso Xasuusiyey Suldaan Maxamed Xirsi-qani cadaadisyo iyo dagaallo siyaasadeed oo uu wasiir Xirsi hore ugu qaaday Guddoomiyaha Waddani, waxana uu usoo jeediyey inuu isku Hawlo jawaabtii uu dhaqannaad ka bixin lahaa,“jawaabtaydu reero iyo cid kale midna ma khusaysee waxan u leeyahay in badan baa Cabdiraxmaan Cirro oo aad suldaan u tahay la baacsanayey habbeenna eray kama aad odhanin, halka aad xirsi iska garab taagaysana Cabdiraxmaan Cirraa kaaga Baahan, Inankii yaraa ee lahaa Sankaan caano kaga keenayaa Cabdiraxmaan Cirro-na inuu maanta annaga nookaa adeegsado kaa yeeli mayno.” Ayuu yidhi Suldaan Sabayso.

Suldaanka  waxa uu sheegay in dhaqannada xilligan ee Suldaan Maxamed Xirsi-qano ku difaacayo wasiirka Madaxtooyadu dilayaan Magaca iyo milgaha Saldaha dalka, waxana uu yidhi,“anigu waxan kamid ahaa Baalashii uu Axmed siilaanyo ku duulayey markii uu mucaaridka ahaa, inuu adduun isiiyo iyo inaan u nacamleeyo midna ula maan soconine waxanu doonanaynay inuu isbeddel sameeyo, isbeddelkii la sugayeyna wuu simbiidhmay, cidda kharabtay markii la toosin lahaana sidaas Suldaan Maxamed Xirsi-qani oo kale ayey salaadiin naga dhimatay TV-ga ka Hadashaa.”

Waxa uu Suldaan Sabbayso Farriin u diray madaxweyne Siilaanyo, waxana uu yidhhi,“madaxweynaha waxanu leenahay innanka aad adeerka u tahay yaanu nusasaaca aanu carruurta ka qaadnay iyo cashuurta kaga hadlinin salaadiin dalka.wixii aan shalay daahir ku  diiddanaana maanta kugu taageeri maayo.”

Farriin kale oo uu u diray Golaha Wakiillada, ayuu sidoo kale usoo jeediyey inay isku dayaan inay xisaabiyaan Lacagaha uu wasiirka madaxtooyadu ku qaato horumarinta Waddooyinka dalka,

“Golaha Wakiillada waxan leeyahay lacag ka ka badan dhaqaale aan Miisaaniyadda dalkaba ku jirin baa loo ansixiyey wasiirka Madaxtooyada, lacagtaasina inta ay soconayso lama sheegin, cadadkeedana lama sheegin, waxana aan leeyahay ha xisaabiyaan Wasiirka Madaxtooyada oo dhaqaalihii uu ururiyey Gobol waliba wixii uu xaq u lahaa halloogu sameeyo waddooyinka.Haddaanu caasimadda Hargeysa nahayna Toban kiiloomitir oo Sallaxley iyo Balligudbadle ku yaala ayaa naga soo gaadhay.” Ayuu yidhi Suldaan Mawliid sabbayso.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed