|

Ina Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015ka) Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Qaybtii u danbaysay

“Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,

Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,

Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,

Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,

Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,

Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,

Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?

Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,

Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?”

 

Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qormada: 3aad

 

Hargeysa, 23/11/2015ka

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Xilliyada kale ee Axmed Xasan-cawke sida aadka loo bartay waxa ka mid ahaa dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1977kii. Halkaa wuxu ka sawaabiyaa ama ka metelaaba Mustafe Xaaji Nuur oo isaguna sidaas oo kale ugu caan-baxay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray 1964kii.

 

Axmed wuxu ahaa nin aad u furfuran oo ay si fudud isu bartaan ama isu dhex galaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Wuxu lahaa xidhiidh ballaadhan oo uu qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed uu la lahaa. Hadda bulshada soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliya waa kala laba. Hadalkan, waxaan uga gol leeyahay xidhiidh wanagsan oo walaaltinnimo ayuu la lahaa dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba. Wuxu ahaa weriye soomaliyeed oo ka soo jeeday Somaliland oo uu ku dhashay laguna aasay.

 

Aaskii dib ugu noqo. Waqti hore ayaa xafiisyadii, xarumihii laga shaqaynayay iyo makhaayadihii la hoganayayba laga dhaqaaqay. Intaa warku wuu socdaa oo tilifoonnada iyo baraha bulshada ayaa lagu wada xidhiidhayaa. Wararkii xabaasha iyo halka lagu aasayo ku saabsanaa waxay isugu biyo-shubteen magaalada Tog-wajaale oo weliba qarka shishe ama Itoobiya ah.

 

Anigu waxaan ka mid ahaa colalkii baxay xilli ku beegnaa ilaa 1.00 gelinkii danbe ee isla maalintaas ah, 17/11/2015ka. Ma aanu badnayn oo baabuurka waxaanu ku saarnayn: Abshir Nuur oo reer Ottawa ah, Candiraxmaan Xasan-duse oo noo waday gaadhiga oo aan abti u ahay iyo aniga. Hargeysa ilaa Tog-wajaale meel keliya is-ma aanu taagin.

Waqti 2.30kii gelinka danbe ku beegnaa ayaanu Wajaale gaadhnay. Magaaladiiba waa ceeryoon oo dad iyo baabuur ayay la ciir-ciiraysaa. Saacadihii hore macaa baabuurta waa la tallaabayay, bal se xilliyadaa aanu magaalada gaadhnay baabuurtii waa la joojiyay oo lug ayaa lagu tallaabayay. Baabuur ‘Surf’ ah oo uu watay Guddoomiyaha magaalada iyo ninka amniga oo isagu reer Lafo-ciise ahaa ayaa na qaaday oo na geeyay gurigii meydka Axmed yaallay. Waxaanu ka mid ahayn dadkii sii gelbiyay ee fursadda u helay in ay indhaha ka qaadaan intii aan la aasin.

 

Meydka Axmed sariir ayuu saarnaa. Dhinaca midigta ayuu u yaallay. Madaxu xagga koonfureed ayuu u yaallay luguhuna xagga woqooyi. Madaxiisu waa uu muuqday oo dhaban, timaha iyo madaxaba waanu aragnay. Shaadh iyo macawis ayuu xidhnaa. Labada lugoodna waanu aragnay oo ma ay dednayn. La iskuma jebin ee wuu fidsanaa.

 

Su’aasha ugu badnayd ee aaska la iska weydiinayay waxay ahayd: Maxaa daanta ama qarka Itoobiya ee Tog-wajaale loogu aasayaa? Malaha waxay ku fiicnayd in labada maamul ee Itoobiya iyo Somaliland la weydiiyo. Anigu se, bal aan faduuli iska noqdo oo aan isku dayo in aan ka jawaabo. Si aad u garataan aan sababayntayda male-awaalka iyo mutihiska qodobbeeyo:

 

  1. Axmed Xasan-cawke oo si kedis ah isga oo aan wax badan xanuunsanayn si lama-filaan ugu dhintay magaalada Jigjiga,
  2. Axmed oo dhalasho ahaan ka soo jeeday magaalada Tog-wajaale oo aan Jigjiga ka fogayn,
  3. Madaxweynaha Kililka 5aad iyo madaxda kale ee Dawlad-deegaanka Soomaalida oo jeclaystay in ay aaska ka qayb galaan,
  4. Labada dal ama mas’uuliinta labada dal oo aan isku diidin ama aan ku murminba halka lagu aasayo,
  5. Iyada oo ay labada dhinacba si fudud uga wada qayb-geli karayeen,

 

Waxaan is-leeyahay intaa waxa raacaya Xukuumadda Somaliland oo aan looga baran ama aan la isku hallayn karayn haynta iyo ilaalinta hab-maamuuska madaxda goobta imanaysa. Aaskii Qaryaan Dhoodaan ayaa la ogaa sidii habqanka iyo habaqlaha ahayd ee loo tegay. Jaantaa rogan ayay ahayd. La-yaab ma laha madaxda Kililku haddii ay ka baqday in ay tii oo kale dhacdo, run ahaantiina waa ay dhacday. Waxba yaan ku sii tiigaalin Xukuumaddeenna oo aanay iga jeedin mowduuca aan u ambo-baxay. Malahayga mareegaha iyo saxaafadda kaleba ka dheehate fool-xumooyinkii meesha ka dhacay. Waxaasi ma ay ahayn wax loo aaneeyo Axmed Xasan-cawke oo aaskiisii la joogay. Xaasha! Tani waxay ahayd ‘Geeri arooskeed.’ Si caaqiibo iyo xarragoba leh ayaa loo sii gelbiyay oo loo sii sagootiyay.

 

Aaska iyo gelbiska Ina Xasan-cawke, waa kow geeri ay tacsideeda ka sinnaayeen saddex Madaxweyne oo Soomaaliyeed: Mudane Siilaanyo, Mudane Cabdi Cumar iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ma goobtii aaska iyo xabaashii baa? Usha cirka loo tuuraa dhulka kuma ay dhacayn. Ragga waxa ka badnaa dumarka iyo dhallinyarada gobollada intooda badan iskaga timid.

 

Axmed Xasan-cawkw, Ina Xasan-cawke ama Cawke-yareba sidaas ayuu taariikhda culan bogaggeeda ku gelayaa. Magac ayuu ka tegay ku xardhanaan doona taariikhda ma-guuraanka ah ee war-baahinta Soomaaliyeed. War-baah\inta oo keliya ma aha ee wuxu taariikh ku gelayaa in uu ahaa aaskii ugu gelbiska fiicnaa ee qof soomaaliyeed loo sameeyo. Makhribkii ayaa la aasay.

 

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aan ku soo gunaanado maansadan baroor-diiqda ah ee la magac-baxday Dayax-madoobaad ee uu curiyay Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame).

 

Dayax-madoobaad

 

Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay

Duufaan xasuusuhu kacsheen daali madaxayga

Dubaaqayga qiirada damqaday igu dinnaahyeeye

Ilmo dabarku hayn waayey oo dhaba u dareeraysa

Hadba duugay waan duugayaa dooxse lama mooso!

Geeridu dibnaha waa mid qudha dihasho yeedhmeede

Kala daranse waa kala dareen dugayda dhiileede

Axmed xasanna tii naga dishaay dubatay jiidhkayga

Dar ilaahay waan kaa naxee dirac miyaad qaaday

Dadkii baad ka wada oohisee danab miyaad aastay

Dayaxaad madoobaysayeed damisay nuurkiisa

Dib miyaan indhaha loo tusayn diirshe ina cawke?

Doobtiyo rakaadiyo codkii dananka reemaayey

Dib miyaan ducaaloow dhaguhu daacad u maqlaynin?

Nimay dihatay hooyaba wed baan laga dabbaalayne

Rabbi baan durraansaday baryana waan u dirayaaye

Inta loo darraadiyo ilaah kaama dhigo deyro

Duddo nabada iilkaagu noqoy daarad naxariisa

Qabrigaagu daartii jannada daa’im idamkiisa

 

Dhammaad

 

Comments are closed