|

“Ina Xarbi oo sita Warqad Maxamuud Xaashi & Cali-Marreexaan Siilaanyo uga Saxeexeen ayaa Jidadkii Xaafadda naga jaray,Xitaa Meel Maydka aanu Marino Ma hayno..” Shacab Cadhaysan DAAWO

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Dadka Shacabka ah ee deggan Xaafadda ka dambaysa Saldhigga dhexe ee Booliska badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa Cabasho ka muujiyey Jidadkii Xaafaddooda geli jiray oo ay sheegeen in dhammaantood loo xidhay Ganacsadaha Ina Faarax Xarbi oo ay Xukuumaddu ka iibisay, isla markaana sita Warqad Madaxweyne Siilaanyo laga saxeexay.

Dadkan oo qaarkood yihiin Hindi Somaliland gaar ahaan Hargeysa Tafiirtoodu degganayd illaa 1940-kii, oo Dhismayaasha hadda waddooyinka laga jaray wakhtigaa dhistay, ayaa sheegay inaanay xataa haddii Meyd ka dhinto Xaafadaha Saldhigga ka dambeeya illaa Masjidka Rusheeye dhiniciisa meel laga qaado Meydkaas ama Qofkii Sakaraada aan loo bannayn ee jidadkii laga wada jaray, iyada oo awood dhaqaale iyo mid dawladeed loo adeegsanayo; sida ay hadalka u dhigeen.

 

Waxay Qaar ka tirsan Haweenka, Culimada, Dhalinyarta iyo Dadka Xaafadda oo Saxaafadda la hadlay ugu baaqeen Madaxweyne Siilaanyo, Xukuumaddiisa, gaar ahaan Wasiirrada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, Hawlaha guud Cali-Marreexaan iyo Maayerka Dawladda Hoose in laga joojiyo Tacaddiga iyo weerarka Jidadka lagaga jaray oo Cadaaladda, Xaqa Muwaaddiniinta iyo u sinnaanshaha Sharciga aan la iska laabin oo aan Xoog dhaqaale iyo Xoog dawladeed la isugu tacaddiyin.

 

Cabashada iyo Baaqa Shacabka Xaafaddaas iyo Nawaaxigeeda ku dhaqani kaga hadleen Tacaddiga ay tirsadeen, jidadka laga gooyo iyo Baaqa ay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale Warbaahinta u mariyeen, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed