|

“In Masaajidkii La Dhisayona SIILAANYO Loo Bixiyo, Iskuulkii-na In La Yidhaahdo SAMSAM Ha Loo Bixiyo Maaha Wax Innaga Soconaya”

 

Hargeysa:11-Sep-2013 (SDN)- Marwo Rooda Axmed Yaasiin,  oo ka mid xubnaha Guddida Dan iyo Duco, ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo hore uga soo yeedhay wasiirka waxbarashada Somaliland iyo Marwada madaxweynaha xilli ay booqasho ku joogeen deegaanno ka tirsan Gobolka Saaxil.

roodaMarwo Rooda Axmed yaasiin oo maalintii isniintii saxaafadda  saxaafadda la hadashay, ayaa sheegtay inaanay wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan u haboonayn hadallo ay goobtaas kaga tiraabtay maalin ay dhagax dhig ku samaynayeen Goobo iskuulo loogu talo galay oo ku taalla deegaanada laaso-dacawo ee gobolka Saaxil.

Marwo Rooda oo arrintaas ka hadalaysa, ayaa tidhi, “ Waxa jirey safar ay maalin dhaweyd ku yimaadeen Marwada madaxweynaha iyo Marwo    Samsam  deegaanada mandheera iyo laaso dacawo, halkaas oo ay dhagax dhigayeen iskuulo, Iskuulada ay  Dhiseen Guddida Dan iyo Duco ee maalintii halkaas ay wasiirka iyo marwadu ku soo hadal qaadeen, waa iskuulo ay u soo kordhiyeen qaranka oo ay wax ka baranayaan  Ardayda reer Somaliland halkii ay doonaanba haka yimaaddeene, waxana ay ahayd in loogu mahad celiyo.”

Marwo Rooda oo ka hadlaysa qiimaha ay leeyihiin odayaal ay sheegtay inay wasiirka waxbarashadu hadallo deelqaaf ah u jeedisay ayaa tidhi, “Dadka ay wasiirku la hadlayso ee ay leedahay Odayaal meel iska fadh-fadhiya ayaad  qurbejoogoow lacag u soo dhiibateene iska hubsada, odayaasha ay la hadlaysaa waa kuwii doortay gobolkan iyo tuulaooyinka ay ka hadlaysaan awaa kuwii ay odayaashiisa ahayeen, taasi wax ay ka dhicinnaysaana ma jirto, sababto ah guddidan shirweyne ayaa lagu doortay waana kuwii loo igmaday ee ahaa odayaasha reer ee dhaqaalaha u yahay ee ay ku taagnayd Somaliland.”

Marwo Rooda oo  saluug ka muujinaysa qaabkii ay wasiir samsam ay halkaas uga hadashay oo ay ku tilmaantay farogelin ay u geysatay Guddi reer leeyihiin, ayaa tidhi, “Odayaashu halkay ka soo jeedaan samsam way ka soo jeeddaa, Arrimaha Guddiyada reeruhu samaysteen ma aha samsam inay ka hadasho mana aha hawl u taalla oo ma aha arrin siyaasadaysan, Guddida Dan iyo duco hablo aanu ka mid nahay baa ku jira, mana geli karno mid reer kale samastay, markaa talo ahaan waxan leeyahay samsam  ka hoodaale-na faraha kala bax kaayagana ha u soo tallaabin.”

Sidoo kale waxa ay marwo Rooda farta ku fiiqday inay jiraan Goobo hore ay marwada madaxweynuhu u dhagax dhigtay oo wali aan waxba laga dhisin, islamarkaana dhagaxaantii la dhigay ay khasaare u keeneen dadkii deegaankaas, waxana ay tidhi, “Marwada madaxweynuhu waxa ay mar hore dhagax dhigtay Dacar budhuq meelo iskuullo ah, Dhagaxaantii dhawr iyo konton qof inka badan oo waayeel ah baa ku dhaawacantay lamana dhisin, maantana dhagax kale ayey dhigtaye muxuu macne ah ee uu samaynayaa dhagaxan laaso dacawo la dhigay.”

Mar ay marwo Rooda Ka hadlaysay qaabka uu madaxweynuhu u xusho dadka uu u dirayo Gobolka saaxil oo ku tilmaantay kuwo caan ku ah inay dadka kala dilaan waxa ay tidhi, “Maanta madaxweyne siilaanyo waxa uu Gobolkii Saaxil oo halbawle ah u dirayaa Dadkii dawladihii hore riday ee dadka iyo dawladda kala fogayn jirey, in la yidhaahdo maasaajikii la dhisayona masaajid siilaanyo halloo bixiyo, iskuulkii la dhisayana Samsam ha loo bixiyo wax inaga soconaya ma aha oo waxa aynu u baahanahay wax dadku inaga iibsado.”

Ugu dambayntii waxa ay marwo Rooda Axmed Yaasiin farriin gaar ah u dirtay wasiirka waxbarashada Somaliland, waxana ay tidhi, “Wasiirka waxbarashadow yaan lagu soo dhexmarinin farriin ka timi cid ka bugta Dan iyo Duco.”

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed