|

IN MAAMULKII MADAXWEYNE SILAANYO KU DAAYEY WAXAAD KU GARATAA GUULWADAYAASHII OO DHAN BAA ALBAABKA LAGA FUREY

Salaan qiimo badan ka dib.

Waa iska caadi in Africa iyo meelaha kale ee saboolka ahba lagu arko  maamulka ka jira oo madaxdiisu mijihii isu badaleen. 22 Sano oo Somaliland  jirtey waxey inoogu filan yihiin in dadku is bartaan in nin kasta oo  magaciisu bulshada gaadhey, la fahmo geed la daaqdiisa, adkeysigiisa,  damiirkiisa mabda`iisa, wax doonistiisa iyo diidmadiisaba.

 

Waa markhaati ma doon iney jiraan rag badan oo macaan jecela oo hadba  halkii siniini ka baxeyso is daad raaciya. Waa Guulwadayaasha oo marba  ninka meesha sare jooga ayey xageesii u dhunbuuqsadaan. Berri hadii  uu meesha ka tago isma yaqaanan Madaxweynihii uu shaley ku lahaa nebiga  laba soo kala tirsataan. Shaley kii mucaaradka ahaa iyagaa caayi jirey,  maanta hadii uu meesha yimaadana iyagaa Amaana.

Lama yaabo,ama adiguba lama yaabtid nacamlayaasha iyo Guulwadayaasha,  oo dee mabda`ooda sidiisaba ah iney doogsin raacan, oo ay hilaaca eegtaan,  lakiin sow wax aad loola yaaba maaha in ninka meesha jooga uu fahmi  waayo, waar ninkan shaley markii aad faraha madhneyd kii ku caayayey  maanta muxuu kuu amaanaya. Bal adba.

 

Maanta waxaa la jooga 2013, xukunka dalka waxaa cod aqlabiyada ku  helay Ahmed M.Silaanyo, allow yaa tiriya inta nin la soo dhimatey ama  la soo qeylisay ama la baadi doonka aheyd 3 Sano ka hor markii uu xarbiga  ugu jirey sidii uu Xisbigii KULMIYE talada dalka u xantoobsan lahaa.  Allow yaa geesta kale tiriya intii dacow ama Guulwade ku qaylin jirtey  ee ciida ku qasi jirtey. Keeba dal iyo dad maamuli kara ma kii, ma kii  ma kii ma kan, ma kan taa guri jirtey

Maanta maxaa ka xaasila mar hadii Guulwade  iyo Macaan jeceltii  Silaanyo ku taagna  oo dhan uu maanta Xirsi Albaabka ka furey oo madaxtooyada  iyo nawaaxigooda joogaan ama xilalkii ugu mudnaaba ay hayaan, hal intii  ama ragii odeyga la soo dhinteyna uu geed Qudhaanjo leh ku xidhey.

Caku Afirca, bilaa mabda, bilaa wadaniyad, bilaa qiiro, bilaa Xisaab,  bilaa taariikh…. Maxaan kaga daala goor hore ayey ifku isku qalatee.  Lakiin waxaad ku daysaa (KARIS XUN IYANA WAX KU LA!!!!!!!.

 

Soo dhalo hooyo

Soo dhalo hooyo

Soo dhalan mayo

Soo dhalan mayo

Africkaba dhamaanteed

Ku dhalan mayo

Meel dhalaanka lagu cuno

Ku dhalan mayo

 

Qalinkii

Osman Omar Dool

Hargeisa Somaliland

 

Comments are closed