In kabadan 100-ruux oo lagu soo qabqabtay howlgalo ka dhacay Luuq
Luuq Dec 15 2012 (SDN)—Howlgalo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameynayeen maalmihii u danbeeyay degmada Luuq ayaa waxa ay ku soo qabqabteen dad lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.
Saraakiisha Ammaanka Luuq oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in howlgadaasi oo si foojigan loo sameynayay lagu soo qabqabtay ku dhawaad 100-ruux oo lagu tuhun sanyahay in ay la shaqeynayeen Shabaab.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dadkan la soo qab qabtay ee 100-ruux kor u dhafaya dhamaantood ay ku jiraan xabsiga Magaalada Luuq, waxana ay intaasi ku dareen in baaritaano ay ku socdaan.
Dhinaca kale Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Saraakiisha dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay in labo ka tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab ay isku soo dhiibeen islamarkaana ay jiraan kuwo kale oo horay ciidamada dowladda ugu soo biiray.
Howlgalada laga sameeyay Luuq ayaa waxa u gobol xaarayaan xaqiijinta Ammanka gobolka, iyadoo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen in ay ka go’antahay la dagalanka kooxaha nabad diidka ah sida ay hadalka u dhigeen.
SDN-Luuq