|

In Ka Badan Laba Kun Oo Xujey Soomaali Ah Oo Go’aansaday Inaanay Soomaaliya Ku Noqon

Riyad,15Oct,2015(QJ/SDN)-Qaar badan oo ka mid ah Soomaalidii sannadkan xajtay ayaa go’aansaday inaanay dalkooda Soomaaliya dib ugu noqon ee ay ku noolaadaan Sucuudiga.

Wargeyska Al-watan ee kasoo baxda dalka Sacuudinga ayaa shalay qoray in Xujey Soomaali ah oo ay tiradoodu tahay 2292 ruux ay go’aansadeen inay ka shaqaystaan Sucuudiga, waxaanay ku doodeen inaanay amni iyo nolol wanaagsan ku haysan dalkooda Soomaaliya.

Wargeyska oo sheegay inuu la xidhiidhay shirkadaha duulimaadka Soomaalida, ayaa sheegay inay xujeydani shirkadahan ku wargeliyeen inaanay ku noqonayn wadankooda ay ka yimaadeen, waxaanay dawladda Sucuudiga u direen baaq ay ku doonayaan inay dalkaas ku noolaadaan.

Madaxa arimaha Xujeeyda Soomaalida Axmed Luqman oo Jariidada la hadlay ayaa sheegay in warkaasi uu maqlay balse aanu xaqiijin karin sugnaanshihiisa, isagoo sheegay inay sugayaan inta la gaadhayo 15-ka bishan Muxaram oo ah wakhtiga ugu dambeeya ee loo qabtay inuu Xaajiga u dambeeya Sucuudiga ka baxo.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

QJ/SDN; Hargeysa

Comments are closed