|

In Ka badan 40 Askari oo Ciidamadda Afganistan ah oo Lagu Dilay Gobolka Kandahaar Kadib Qaraxyo lala Bartilmaameedsaday

Kabul 20. October 2017 (SDN/QJ):- Saraakiisha Difaaca ee Dalka Afgaanistan ayaa Xaqiijiyay in 40 Askari oo katirsan Ciidamada Qaranka Lagu dilay Saldhig ku Yaala Galbeedka Gobolka Kandahaar Halka tiro kalena lagu dhaawacay kadib markii Laba Qarax iyo Weerar toos ah lagu qaaday Saldhiga.

 

Afhayeen u Hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Dalkaasi Mr Daud Wasiiri, waxaa uu  intaasi ku daray in Weerarkani ay ka Dambeeyeen Mitidiinta Daalibaan Iyagoo Saldhigaasi soo Weeraray Salaadii Subax ee shalay , hasa yeeshee Halkaasi ku Dhinteen Markii Dagaal Xoogan oo Rogaal celin ah lagu qaaday.

 

Geesta kale Amiirka Daalibaanka ayaa soo dhigay Warbaahintooda gaarka ah in ayna Joojinayn ilaa iyo inta ay Dalkooda Afgaanistaan  ka Baxayaan Ciidamada Ajaanibku, Iyagoo ku sheegay in Dalku ku jiro Xaalad Xukun Guumaysi Ajanabi ah.

Comments are closed