“In Beel Keliyaata ahi Waanu U Jabhadaynaynaa Wareejinta Haamaha shidaalka Khalad Ayaan U Arkaa” Boqor Buurmadaw
Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ) Boqor Buur Madaw oo ka jawaabaya Su’aal ahayd sida uu u arko xaaladda ka dhalatay wareejinta haamaha shidaalka berbera, waxa uu yidhi “Anigu marnaba maan taageersanayn in Haamaha shidaalka lagu wareejiyo cid gaar ah, illaa haddana ma taageersani arrintaasi, laakiin haddii ay dhacday dee shalayba Ina Cigaal Ajaanib ayuu ka iibiyaye haddii maanta muwaadiniin laga iibiyey cirka iyo dhulku inay qarxaan ma aha, anigu waxaan jeclaa inay xukuumaddu gacanta ku hayso balse haddii ay dhacday cidda ka jabhadaynaysa iyo cidda ka dagaalamaysaaba waxa weeyaan wakhtigeeda ha sugto xukuumadda Siillaanyo wakhti ayey leedahaye berritoba ha sugto, Siillaanyo-ba Shirkaddii Total ee lagu wareejiyey isaga ayaa kansal gareeyey, laakiin sabab dalka khal khal loo geliyo aniga iima muuqato, mana aha arrin taabanaysa xukuumadda Axmed Siillaayo oo keliya waxa ay taabanaysa qaranimadeenna oo dhan ayey taabanaysaa, haddii maanta meel walba beel ahaan loo kala sheegto dalkana waa arrin nabad gelyada iyo dalka oo dhan khal khal gelinaya, Beel qudha oo hantida dalka ku tagri fali karaysaana ma jirto, beel gaar u lihina ma jirto oo waan hanti la wada leeyahay, in Beel gaar ahi tidhaahdo waanu jabhadaynaynaa oo anaga ayaa khayraad gaar ah ilaashanaynana khalad ayaan u arkaa anigu”