‘’In Ay Shaqaalahayagu 2 bilood Aanay Mushar Qaadan Waxa Sabab U Ah Xoghayahayagii Hore’’ Duqa Caasimadda Hargaysa DAAWO
Hargaysa 05. February 2018 (SDN/QJ):-Maayarka Caasimadda Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco oo Maanta ka hadlayay Munaasibad ay Xilalka kula kala wareegayeen Xoghayihii Hore ee Dawlada Hoose ee Caasimadda Hargaysa Iyo Xoghayaha Cusub ee Dhawaan Wasiirka Arrimaha Guduhu u soo Magacaabay ayaa Sheegay in Sababta Shaqaalaha dawlada hoose ay Mushahar u qaadan Waayeen Mudo laba Bilood ah ay asbaabteedu ahayd Xoghayaha la bedelay.