|

Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Somaliland oo Saaka ka Bilaabmi doona Dalka,Guud ahaan ardayda u fadhiisan doona imtixaankaas Iyo Dardaaranka Wasaarada Waxbarashada

Hargeysa 07.June 2015  (SDN/QJ)- Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dardaaran adag siiyey hawlwadeennada imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2015-ka oo dalka ka bilaabmi doona Saaka oo Axad ah.

Prof.-Geedoole
Xaflad la isugu yeedhay kormeerayaasha iyo hawlwadeennada imtixaanka shahaadiga ah oo Xafiiska Imtixanaadka Guud ee Qaranku soo agaasimay maanta, ayaa masuuliyiinta waxbarashadu hawlwadeennada si adag ugu soo jeediyeen in ay adkeeyaan ilaalada imtixaanka si tayada ardaydu u fiicnaato.

 

Wasiirka Waxbarashada Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedole), ayaa sheegay in tayada ardaygu ku xidhan tahay hadba sida imtixaanka loo adkeeyo, isagoo ballanqaaday inuu ka hawlgeli doono sidii tayeynta aqoonta ardayda kor loogu qaadi lahaa.

 

“Masuuliyada saaran Xafiiska Imtixaannada wuxuu u doortay dadkii hawshaas ka baxayey, aniga marna shaki iga geli maayo in dadkaasi masuuliyadoodii ay ka soo bixi waayeen, waayo anigu macallin baan ahay, macallinkuna wuu ogyahay masuuliyada ay arrintan leedahay.

 

Tayada ardaygeenu waxay ku xidhan tahay qaabka imtixaanaadkaas loo ilaaliyo, hadduu ardaygu helo in imtixaanka aan la ilaalinayn, ardaygu isku kadeedi maayo inuu wax akhristo, maadama ay taasi jirto, waajibkaasi waa waajib saaran qof kasta oo macallin ah. Aniga waxa iga go’an sidii aan uga shaqayn lahayn tayada ardaygeenna, ardayguna waa ilmaheennii,” ayuu yidhi Wasiir Faarax Geedoole.

 

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Axmed Nuur Faahiye, ayaa tilmaamay in imtixaanka u diyaargarawgiisa iyo qaadistiisu ay aad u adag tahay, waxaannu yidhi; “Imtixaanka u diyaargarawgiisa iyo qaadistiisu waa waqti ka mid ah waqtiyada ugu adag ee Wasaaraddu soo marto, waana waqti ka mid ah waqtiyada qofka ku dhex jira looga baahan yahay caddaalad iyo inuu indho fiiqfiiqan ku eego, waana waqti looga baahan yahay inuu dhinacyo badan wax ka eego, waana waqti looga baahan yahay kormeeraha inuu Ilaahay ka baqo.”

 

daa'uudGuddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa xusay in hawshan lagu dardar gelinaayo hawlaha imtixanaadka. “Ujeeddada laga leeyahay waxa weeyaan cid baa dhaqaale ka helaysa idiinma qorno, laakiin masuuliyad baan ku soo xulanaa si hawshaas qaranka ee imtixannaadka qaranka ah, raggii loo soo xulay baa tihiin, rag ilaa intii hawsha imtixanaadku jirtay gacanta ku hayey way jiraan, qolooyin cusubna way jirtaa runtii.”

 

Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2015 oo ah fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare, ayaa si rasmi ah guud ahaan Somaliland uga bilaabi doona saaka oo Axadda ah Taariikhduna Tahay 07 June 2015, iyadoo ay imtixaanka fasalada 8aad u fadhiisan doonaan arday tiradoodu dhan tahay 14,000 (afar iyo toban kun) oo arday ah dalka oo dhan, halka fasalada 4aad ee dugsiyada sare ay u fadhiisan doonaan 9,300 (sagaal kun iyo saddex boqol) oo arday ah.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed