Imtixaankii fasallada 4-aad iyo 8-aad ee Somaliland oo lagu dhawaaqay iyo Dugsiyada Kaalmaha hore galay
Hargeysa:10-Sep-2013(SDN)-Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Somaliland ayaa hadda goor dhaweyd ku dhawaaqday natiijada imtixaanka fasallada 4-aad iyo 8-aad ee Dugsiyada Somaliland, waxana sidoo kale lagu dhawaaqay sida ay ardaydu ugu kala sarreeyaan natiijada ay keeneen.
Munaadibadda lagaga dhawaaqayey imtixaanka oo ka dhacday xarunta Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka imtixaanaadka, maamulayaasha Dugsiyada imtixaanka sugayey, arday, waalidiin iyo marti kale oo aad u badan.
Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay natiijadana sheegay Guddoomiyaha Xafiska Imtixaanaadka Guud ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, waxana uu halkaas ka sheegay sida loogu kala sarreeyey natiijada Imtixaanka iyo Dugsiyada Natiijada fiican keenay.
Dugsiyada sare waxa sanadkan u fadhiistay 7310-Arday, waxana baasay 7017, halka ay ka maqnaayeen 293, cid dhacdayna ma ay jirin.
Dugsiyada sare waxa kaalinta kowaad galay Arday ka tirsan Dugsiga Boodhinka ah Cabdisamada sulaymaan Xasan oo keenay 716.
Dhinaca Dugsiyada Dhexe waxa imtixaanka sanadakan u fadhiistay 12142, oo ay hablo ahaayeen 4411, halka ay wiillashuna ahaayeen 7731, waxana imtixaanka ka maqnaa 271, waxana dhacay 193-Arday.
Sanadkan waxa kaalmaha sare ee dugsiyada sare iyo kuwa hoseba qaatay Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, waxana Dugsiyada Xukuumaddu gacanta ku haysaa ay heleen kaalmo faro ku tiris ah.
Natiijada oo faahfaahsan goor dhow filo.
Somalidiasporanews.com