|

Imtixaanadii Shaqaalaha Dawladeed oo Hargeysa ka socda

Hargeysa Feb 26,2012(SDN)-In ka badan laba boqol oo ka tirsan shaqaale hoosaadka afar iyo toban ka tirsan hay’adaha dawlada ayaa Maanta u fadhiistay imtixaankii qiimaynta ahaa ee hay’ada shaqaalaha dawladu ka qaadi jirtay.

Sida ay ku waramayso wakaalada wararka ee Solna afar iyo tobankan hay’adood oo ay ku jiraan Golayaasha Guurtida ,Wakiilada,Komiishanka doorashooyinka Qaranka,Maxkamada sare,Qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawlada ee Madaxa banana.

Shaqaalaha Imtixaanka Qiimaynta ah maanta u fadhiistay ayaa isugu jira dareewalada gaadiidka, Nadiifisooyin iyo hawl wadeeno kale .

Maalintii Shalay ayaa hay’ada Shaqaalaha Dawladu waxay imtixaan qiimayn ah ka qaaday 190 xubnood oo ka tirsan hawl wadeenada 14 –kan hay’adood.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed