|

Imisa Saacadood Ayey Shaqeeyaan Maalintii Madaxda Dalka Sucuudigu ?

Riyadh 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxa muddooyinkan danbe ka bilaabmay dalkaasi Sucuudiga isbadalo aad u fara badan gaar ahaana dhinaca siyaasada gudaha ee dalkaasi kadib markii uu boqorka haatan tallada hayaa la wreegay jagada Boqortinimada dalkaasi Sucuudiga, waxaana la sheegay in madaxda dalkaasi dhamaantood ay shaqeeyaan saacado fara badan iyaga oo ku dadaalaya horumarka dalkooda, maadaama oo la qorsheeyay in qorshaha hormarineed ee dalkaasi loogu talogalay inuu hirgalo sanadka 2030ka, waxaana lagu tilmaamay inay dhamaan madaxda dalkaasi u shaqaynayaan sidii Shinni mallab samaynaysa oo kale waayo? Shinnada waxa lagu yaqaanaa shaqo fara badan, waana tusaalaha uu u soo qaatay hogaanka dalkaasi Madaxda Xukuumadiisa.

sucWaxaana soo bandhigay warbixintan mid ka mida Diblomaasiyiinta dalkaasi Maraykan oo magaciisa la yidhaa Danis Ros sidii uu ku xusay maqaal ay soo bandhigtay Washington Post kadib markii uu booqasho ku tagay dalkaasi Sucuudiga waxaanu sheegay in madaxda sare ee dalkaasi ay shaqeeyaan wiigi saacado dhan 80 saacadood  sida caaddada u ah, balse mararka ay arrimo gaari jiraan ay ka sii kordhiyaan.

Haddaba taa macnaheedu waxa ay tahay in madaxda dalkaasi ay shaqeeyaan 11 saacadood maalintii, dhamaan maalmaha toddobaadka oo aanay marnaba fasax qaadan taasina ay keentay  in arrimo badan oo uu ka mid yahay dhaqaaluhu laga gaadho guul, waxa kale oo uu sheegay in haddii ay fasax qaataan labada maalmood ee Jimcaha iyo Sabtida ay shaqeeyaan shanta maalmood ee kale min 16 saacaadood.

Haddaba warbixintan ayaa u markhaati kacaysa waxqabadka iyo shaqooyinka ay qabtaan madaxda dalkaasi

sucuudigi kadib markii horaantii sanadkan la soo diyaarayay war bixin hore oo iyaduna  soo bandhigtay shaqada madaxada dalkaasi war bixintaa horana waxa soo ban dhigay Blomberg ,hadaba dadaalkan ayaa yimid kadib markii hogaanka dalkaasay ku dhawaaqy qorshe hor marineed oo loogu tala galay in lagu hor maariyo dhaqaalaha dalkaasi kaasi oo wax qabadkiisa la ogaan doona sanadka 2030ka hadii ilaahay yidhaa .

Comments are closed