Imaaradka oo Ku booriyay Ethiopia in ay sii wada nabadeynta Soomaaliya
Addis Ababa March 23 2013 (SDN)– Kadib kulan siwadajir ah ugu dhexmaray Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia Raysal wasaaraha itoobiya iyo wasiirka arimaha dibada wadanka isku taga imaaraadka carabta ,kaasi oo ay kaga hadlayeen arimo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Wasiirka arimaha dibada dalka isku taga imaaraadka carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan,waa markii Labaad uu booqasho ku tago dalka itoobiya,isagoona halkaasi Madaxda dowlada itoobiya kala hadlay sidii la isaga gacansiin lahaa taageerada la siinayo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan,in wadanka itoobiya looga baahan yahay inay kor u qaado caawinaada Soomaaliya,islamarkaana xaqiijiso amaanka deegaanada gacanta ay ku hayaan,isagoona balan qaaday Mas’uulkaan in wadankooda uu bixinayo taageero walba oo la siinayo Soomaaliya oo hada u muuqaneysa inay hirgilineyso hamigeeda dowladeed.
“Waan u riyaaqeynaa xaslilooni ka xasisha Soomaaliya,itoobiya waa wadan isku howlay sidii Somaaliya ay u hanan lahayd Soomaalideydii hore,arintaasi waa arin lagu farxo weyna sii socon doontaa,”ayuu yiri Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.
Labada Mas’uul ayaa si weyn ulafa guray xaalada Nabad galyo ee dalka Soomaaliya,waxayn isla meel dhigeen sidii loo gacan qaban lahaa Soomaaliya oo mudo 20-sano ah dagaalo iyo fowdo ku soo jirtay.
Ugu danbeyntii wasiirka arimaha dibada dalka isku taga imaaradka carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan,ayaa itoobiya ku amaanay doorka ay ka qaateen Nabad ku soo dabaalida qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn AMISOM ayaa ku sugan Soomaaliya,kuwaasi oo gacansiinaya ciidamada Xukuumada Soomaaliya kana caawinaya la dagaalanka Al-shabaab.
SDN-Addis Ababa