|

Imaaraadka Carabta Oo Somaliland U Soo Diraya Markab Sida 3,819 Tan Oo cunto, Dawooyin Iyo Taandhooyin Ah

Abu-dhabi 27 Abriil, 2017-(SDN/QJ): – Waddanka Isu-taga Imaaraadka Carabta, ayaa markab sida deeq mucaawimo loogu tallogalay gargaarka dadka  abaarahu saameeyeen ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dirtay shalay.

Warkan oo shalay lagu baahiyey wargeyska The National ayaa lagu sheegay in gargaarkan Hay’adda Laan-qeyrta Cas ee Imaaraadka qeybinayso oo qiimahiisu yahay  10.3 Milyan Dirmah,  ka kooban yahay 3,819  TON oo cunto ah, 356 TON oo biyo ah, 23 TON oo teendhooyin iyo furshaan ah iyo qalab caafimaadka carruurta, soo gaadhi doono magaalada Berbera horaanta bisha dambe ee May.

Deeqda gargaarkan ayaa lagu sheegay warka inay ka dambaysay amarkii amiirka Imaaraadka carabta iyo sii dabagalka guddoomiyaha Laanqeyrta Cas ee Imaaraadka, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Imaaraadka carabta.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Imaaraadka oo ku dhawaaqday Baaq loogu magacdaray qaadhaanka gargaarka Soomaalida horaantii bishan, isla-markaana maalmahii la soo dhaafay la soo gaadhsiiyey deegaamo ka tirsan Soomaaliya, ayaa deeqdan Imaaraadku u soo diray Somaliland iyo kooxo dhakhaatiir gaadhaya 18 oo imanaya dalku ku soo beegmaysaa xilli xukuumadda JSL qoraal mahadcelin ah oo Safiirka u fadhiya Amb Baashe Cawil Cumar, u gudbiyey dawladda Isu-Taga Imaaraadka Carabta, kaga mahadceliyey gargaarada kala duwan iyo ka jawaabida baaqyada xukuumada JSL u dirsadaan waddankaa.

Comments are closed