|

Ilmo yar oo Soomaaliyeed oo Britain loo geeyay in xubnaha jirkeeda laga ganacsado

London Oct 20,2013(SDN)-Dawlada dalka Britain ayaa shaacisay in dalkeeda markii u horeeysay la hayo cadeeymo muujinaya in caruur dalkaa loo geeyo in laga ganacsado xubnaha jirkooda.

Warbixin ay soo saartay hay’ada UK u qaabilsan daryeelka Caruurta ayaa lagu shaaciyay in markii u horeysay ay hayaan cadeeymo muujinaya in gabar ilmo ah oo dalkaa la geeyay si xubnaha iyo halbowlasheeda looga ganacsado.

Ilmahan yar oo aan magaceeda iyo degaanka laga soo qaaday iyo cida soo qaaday aan la sheegin ayaa hay’adaha daryeelka caruurtu sheegeen in loo bahan yahay in wax laga qabto dhacdooyinka noocana ee soo badanaya.

Warbixintay ay Hay’adan Daryeelka Caruurtu soo saartay kama ay haal halka ilmahaa yar ee Soomaaliyeed ay ku danbeysay iyo in cid uun loo hayo gabood falka intaa le’eg ee sebigaasi loo geystay.

Warbixintu waxayse  ku dheeraatay ka hadalka sida haatan UK ay saldhiga ugu noqotay ka ganacsiga halbooleyaasha saboolka dunida dacaladiisa ku nool.

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in aaney dhacdadani mid ugub ah oo ay tahay mid soo noqnoqotay balse haatan uun la helay cadeeyn dhab ah.

Dalka UK ayaa dadka sugaya in laga bedelo unugyada jirka ee muhiimka ah ay tira beeleen isla mrkaana ay haatan miciin bideen in ay Organiska ka iibsadaan tuugta ka ganacsata xubnaha biniadaamka.

Si kasta oo ay tahayba,waxa ay dhacdadani noqoneysaa mid kale oo ka mid ah jabka gaadhay bulsho weynta Soomaaliyeed ee haatan la sii maraya in ubadkooda seyladaha xubnaha caalamka lagu kala iibsado.

SDN-London
contact@somalidasporanews.com

Comments are closed