Ilmo Laga Sameynayo Saddex Qof Oo Laga Ogolaadey Markii Ugu Horreysey Taariikhda Dalka UK
London 16. December 2016 (SDN/QJ):- Ilmo laga samaynayo laba dumar iyo hal nin ayay ogolaatay hay’adda sharciyada taranka ee dalka UK ee lagu magacaabo (Human Fertilisation and Embryology Authority, HFEA).
Talaabadan oo ah mid taariikhi ah oo dood badan dhalisay ayaa ka hortagi doonta ilmaha inay ku dhashaan cudur ay waalidkood ay ka keeneen.
Dhakhaatiirta Newcastle oo soo saaray habkan casriga ah ee IVF, ayaa la filayaa inay noqdaan kuwii ugu horeeyay waddankan ee bixiya adeegan, waxayna waydiisteen in ugxaan loogu deeqo.
Ilmihii ugu horreeyay ee saddex qof laga sameeyo ayaa dhalan kara marka ugu horreysa, dhamaadka sannadka 2017-ka.
Reero badan ayaa waxaa ka dhintay carruur u dhimatay cudur aan la daawayn karin, (Mitochondrial disease) oo qofka ku reebaya awood darro aan wadnahooda garaacmi karin.
Cuduradan ayaa waxaa u gudbiya carruurta hooyada oo kaliya, marka hab la isticmaalayo ugxaan dumar kale iyo mida hooyada iyo aabaha biyahiisa ayaa la sameeyay
Ilmaha ayaa yeelanaya DNA yar oo ka timid ugxaan dumar kale, habkan ayaa sharci ah, sax ah, saynis ahaana diyaar ah.
Laakiin hay’adda HFEA ee taranka bini’aadanka ee UK waa inay ansixisaa xarun walba oo caafimaad iyo dadka doonaya inay sameeyaan habkan ilmaha loo dhalo.
Laakiin saynisyahanada qaar ayaa su’aal ka keenay habkan inay sax tahay in la sameeyo, iyagoo sheegay inay albaabada u furayso ilmo gacanta lagu sameeyay.
Xarumaha caafimaadka, ayaa laga rabaa inay ogolaansho shaqo waydiistaan hayadda taranka ee HFEA, si ay u sameeyaan habka IVF ee casriga ah ee ilmaha laga samaynayo saddex qof.