iliyow waa mahadaa w/curiyey abwaan maxamed yaasiin maxamed ilkacase
Geeraarkan la magac baxay Hiiliyow waa mahadaa wuxuu soo baxay 17.05.1991 kii ku dhawaaqidii jamhuuriyada somaliland taasoo aan eebe ugu mahadnaqayo farxadaa iyo dhibaatadii lagu jiray ee eebe dadkii ka soo saaray taasoo ahayd nasri ilaahay umadan uu siiyey subxaana wa tacaalaaye waana kan…………………..
- Murtidu hayn iyo deeq
- Hibo weeye illaah
- Xikmad uu hanad siiyey
- Ku manaystay halyay
- Hal abuur ugu deeqay
- Waana heer kala heer
- Kala haab iyo dow
- Kala hooto wanaage
- Aan haabiil iyo dhuux
- Dhigoodii u habeeyo
- Aan hadraawi tabtiis
- U heenseeyo xaqiiq
- Hankii gaariye toydo
- Hibto maansadi raagtiyo
- Hawraartii kana saariyo
- Hal abuurki suldaan
- Ku hadoodilo guusha
- Hubsado ku dhawaaqo
- Farxada aan ku hadaaqo
- Hor ilaahay u sheego
- Aan u hoorsho gacmaa
- Duco haybiyo maanta
- Mahadna aan u hibeeyo
- Allihii ii huray taa
- Habeen baanu gudaynay
- Gudcur hiimsa ahoo
- Habardugaag iska daaye
- Halaqii dhulka hoose
- Hanfigii ka dhacaayey
- Uu hogii xejin waayey
- Oo halgaada qaniinyo
- Hadba ruux qalacaaya
- Dhirtu ay hungamayso
- Dhulku uu habqamaayo
- Baqdin loo hedan waayey
- Noole hiifay degaanka
- Rabigii nal huraaya
- Hagaag noogu baxshow
- Hiiliyow waa mahadaa
- Hanaankii i dilooday
- Hagoogtii musuqmaasuq
- Habkii waayaha dheer
- Haybow laygu xasuuqay
- Dawladii haltirkayga
- U hormuudka ahayd
- Iskamaan hinjiyeene
- Markaan qaatay hubkayga
- U guureeyey habeeno
- Dharaaro aan u hayaamay
- Amin aan horin weerar
- U hibeeyey dagaal
- Holac ay ka shideen
- Hedkastoon is haleelnana
- Allihii ii hayinshee
- Hediis ii fududeeyoow
- Hadhowna aan denbi wayn iyo
- Iigu haynin xisaabow
- Hiiliyow waa mahadaa
- Hebis baanu ahayn
- Sida heeryo xumoo
- Hatigaada nin liita
- Hanaqaa igu gooyoo
- Waa uun lay handadaayee
- Allahi heeryadi jaan
- Hadh gadiid iga tuuree
- Iigu deeqay han waarow
- Hiiliyow mahadaa
- Haweenkaanu ka liidan
- Hubaashiina qof maaha
- Hablihiisa nin nool
- Hortiisoo lagu fuulo
- Ama hooyiyo eedo
- Haldhaaduu la dhashay
- Oonu hiil tawanayn
- Ficil haakah lahayn
- Ka horloogsan dhurwaa
- Hororkowga miciinin
- Allaha hawdka u geeyee
- Ka dhex saaray halyeeyow
- Hiiliyow mahadaa
- Rabigii hundudka
- Habayacoo garabjooga
- Hiinfaadhigii iga reebee
- Halkii aan ku barbaaray
- Hadhwanaagi togdheer
- Hargaysa wayn i dhexjoojow
- Hiiliyow waa mahadaa
- Waxaan diiday hogaanka
- Hantigoosiyo shuuci
- Dastuur uu nin habeeyey
- Qodob heerka lixaad
- Hhormadiisa tobnaad
- Ha’doo xeerka ah qoyska
- Haween layska furaayo
- Oo kii hawsha dhameeyey
- Fasaqeeda habeeyey
- Uu la hoygelayo
- Iyo waar ha hadlin
- Ha dhawaaqin ninkow
- Hana sheegin xaqiiqda
- Waxse aan u hiloobay
- Hiyigay tebayaa
- Halgankaygan u tiira
- In diintaa la hadheeyey
- Ee habaaska la saaray
- Ee dastuurka haboona
- Iyo heedhe sunaa
- Haboonow nebigii
- Intaa laygu hagaaye
- Rabigii helisteeda
- Homuudadaa leh aqoonta
- Hanaqaad iyo geesi
- Ii hogaan kiciyow
- Hiiliyow waa mahadaa
- Eeg hanaanka dushayda
- Oogadayda hadhaysan
- Haybadlow calankeena
- Intuu deeqay hankeenu
- Heegadaa babanaaya
- Maanta aan hadhsanayno
- Allaha noo hurayee
- Hadyad nooga dhigow
- Hiiliyow waa mahadaa
- Nabad hoortay barwaaqo
125. Sida heego daruura
126. Hilaacoo fadku gaadhay
127. Raxmadoo dhulka haysa
128. Allaha noo halabshow
129. Hiiliyow waa mahadaa
130. Waa habkii ina suldaane
131. Calankeenan hagaagsan
132. Aan habeendhaladkiisiyo
133. Hanaankiisa qurxoon iyo
134. Humaagiisa aan eegnee
135. Hiiliyow kana saar
136. Kana siib hanadow
137. Waa halkii boqorkiiye
138. Uurkiinoon qush ku huurin
139. Oo hagaag iyo saafi
140. Farxad aad hirqateen
141. Hedwalbow sadex jeer
142. Hooriyoo gacmihiina
143. Hiiliyow waa mahadaa dheh
144. Ma hilmaamo nin nooli
145. Wixii haystay dadkeena
146. Qaxootigii harta shiikh
147. Loo hogoogey shiraaca
148. Hayl haylkii ramaso
149. Hungadeedi daroor
150. Hanbadii dulcad tiil
151. Nin ogaa hanaqiisay
152. Ku haaraysan tahee
153. Hed walbaay sadex jeer
154. Hooriyoo gacmihiina
155. Hiiliyow waa mahadaa dheh
156. Haraad wayn iyo gaajo
157. Hu’la’aan iyo baydad
158. Haday hoorto daroori
159. Hogoli ay biyo keento
160. Gabood waa ma huraane
161. Hoy la’aanti daraato
162. Wixii na haystiyo baaba’
163. Ubadkii huqdu laysay
164. Aan idhaahdo hunguufe
165. Hawl aduun idilkeed
166. Nin ogaa hanaqiisa
167. Ma hilmaamo waqiiye
168. Hadwalbaay sadex jeer
169. Hooriyoo gacmihiina
170. Hiiliyow waa mahadaa dheh……………………
wa bilaahi tawfiiq……….
abwaan maxamed yaasiin maxamed ilkacase