|

‘’Ilaah ayaa igu Og Xukuumadda Kulmiye Sadex wax oo aan ku arkay Kumaan arag Sadexdii Xukuumadood ee dalka soo Maray’’ Siyaasi Abiib-timacad DAAWO

Hargaysa 02. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Abiib Diiriye Nuur ‘’Abiib-timacad’’ oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku faanay inuu yahay Qofkii 7aad ee Ka Mid noqda Ururkii Dagaalka Hubaysan la galay Taliskii Siyaad barre ee SNM,Waxaa kale oo Abiib Timocad uu Sheegay inuu Afartii Xukuumadood ee Somaliland soo maray uu ka soo qabtay Xilal Wasiirnimo.

Hadalkan ayuu u Jeediyey Bulshada Magaalada Allay Baday oo qaybo ka mid ahi ay Ku soo Biireen Xisbiga Waddani waxa uu yidhi:-  “Wax walba waanu soo eegnay, ragga tartamaaya na waanu soo wada tijaabinay, ninka keliya ee maanta dalka lagu aamini karaana waa Cabdiraxmaan Cirro, waxa aan idin lee yahay mar labaad waar maanta codkiina ha eersanina reer Alleybadayoow, balanteenu na waa WADDANI.”.

 

Comments are closed