|

“Ilaa maalintii Natiijada ay ku dhawaaqeen kharashka ku baxaa waa mid aan loo baahnayn.” Mujaahid Cali Guray {DHAGAYSO}

Hargaysa 19.October 2013 (SDN)- Gudoomiye xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray ayaa Maanta ka Hadlay inaanay Aqoonsanayn Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ,Kuwaas oo uu ku dooday in Wakhtigii Shaqadoodu dhamaatay, waxa uu sheegay in gudidaasi tahay mid aan wax hawl ah oo muuqata qaban intii ay jirtay. Waxa uu sheegay in Kharashka ku baxaa yahay Mid aan loo baahnayn.

“ Guddidan Kharash badan baa ku baxay Runtii oo aanu Qarankani qaadi karayn.Maalin Saddex-da Xisbi ay ku dhawaaqeen oo dee Komishanku dhameeyaye ay Magac-yada uun Xaadiriyeen waa wax qabad ay Qabteen, Maalin Liis ay soo Reebeen Afar Urur oo ka mid ahaa 15-kii Urur-na Sax iyo khalad wuxuu doono ha ahaadee ilaa maalintii lagu dhawaaqay wax ay qabteen intaas ayaa jirta. Ilaa maalintii Natiijada ay ku dhawaaqeen kharashka ku baxaa waa mid aan loo baahnayn.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Mujaahid Cali Guray

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CaliGurayGudi19.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed