|

Il Dhaqaale Oo Shabaabku $10-Milyan Oo Dollar Ka Macaasheen Hal Sano Oo La Shaaciyey

New York:Oct,12,2014(SDN/QJ)-Xaqiijinta iyo Ogaanshaha Ilaha ay Kooxaha Al-shabaab ka helaan Dhaqaaluhu waa shaqo ay Dunidu ku Bixiso malaayiin lacag ah, waxana intaas si joogto ah u socdo Hawlo lagu ogaanayo Goobahaas.

sreHaddaba Kooxda QM ee Kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea  oo sidoo kale dabagal ku Haysa Meelaha Shabaabku dhaqaalaha ka helaan, ayaa waxay sheegeen in inay Alshabaab Tobaan Million oo dollar ka macaasheen dhoofinta dhuxusha Somaliya sannadkii la soo dhaafay.

Monitoring Group,oo QM uqaabilsan xayiraadda hubka Somalia iyo Eritrea ayaa shegyesa in 161-markab oo shixnaddo dhuxul ah ay ka soo qaadeen Dekeddaha Koonfurta Somalia ee Kismaayo iyo Baraawe muddadii u dhexeysay June 2012 ilaa May 2014.

Warbixintaan cusub ayaa waxaa heshay wakaalada Reuters.

15-xubood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii February ee sannadkii 2012-kii mamnuuceen dhuxusha laga dhoofiyo Somalia, si loo wiiqo ilaha dhaqaale ee Alshabaab lacagaha ay kasoo galaan.sida warbixinta Sanadlaha ah ay shegeyso.

Qoraalka Hey’adda waxaa lagu cadeeyay in dhuxusha la dhoofiyey sannadihii 2013 iyo 2014 in lagu qiyaasay lacag dhan 250-million oo Dollar, ama in ka badan, inkastoo aanay Alshabaab soo bandhigin dhammaan rarka dhuxusha ee ay dhoofiyeen.

Shixnadaha dhuxusha ayaa waxaa loo dhoofiyay Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Kuwait.halkaasoo ganacsi ahaan loo geyay.

Warbixinta waxaa bar bar socda in dowladda kenya wax laga weydiiyay wax ka ogaashaha dhoofinta dhuxusha somaliya,balse dowlada Kenya ciidankeeda Militeriga ayaa waxaa ay ugu jawaabeen Hey’adda Monitoring Group in aanu waxba ka ogayn dhoofinta dhuxusha somaliya.

Soo dajinta gawaadhida, ayaa xadgudub ku ah xayiraadda hubka, ayaa tusaale ahaan warbixinta ay soo qaadatay kuwaasoo ay helaan ciidanka Axmed Madoobe ee Kismaayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed