|

Ikhwaanka Masar oo iska fogeeyay Qarax dalkaas ka dhacay iyo digniin ay u jeediyeen dawlada

Qahira Dec 25,2013(SDN)-Qoraal ay soo saareen ururka Ikhwaanka ee dalka Masar ayaa lagu dhaleeceeyay qarax dalkaas ka dhacay maalinimadii talaadada.

“falkaasi waxa uu weerar bareera ku ahaa midnimada shacabka Masar,dawladuna waxa ay u isticmaaleysaa Ikhwaanka waxaaney abuureysaa kala fogaasho,colaad iyo degenaansho la’aan”ayaa lagu yiri qoraalka Ikhwaanka.

Kamal Xabib oo ka mid ah Islaamiyiinta Masar kana mid ahaa jabhadii Gamaac Islamiya ayaa sheegay in aaney jirin in Ikhwaanku ka danbeeyeen qaraxa ama ay la shaqeynayaan Xagjiriinta.

Waxaase uu ka digay cadaaadiska ay ciidamada amaanku ku hayaan dhalinta Ikhwaanku in ay keeni kareyso in ay ku biiraan xagjirinta.

Dhaleeceynta Ikhwaanka ee qaraxii taladada dhacay ayaa ku soo beegmaya hadal uu raiisul wasaare El-Beblawi uu si dadban ugu sheegay in Ikhwaanku ka danbeeyeen qaraxa.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed