|

Iiraan Oo Sucuudiga Ka Ashkataysay Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Iran-hassan-rouhaniTahran,9Jan,2016(QJ/SDN)-Dowlada Iiraan ayaa lagu wadaa inay dacwad u gudbiso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo uga dacwooneysa Duqeyntii diyaaradaha Sucuudiga la beegsadeen Safaarada Iiraan ay ku leedahay caasimada dalka Yemen ee Sanca.

Iiraan ayaa sheegtay in Sucuudiga si ula kac ah u duqeeyey safaaradooda Sanca, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah illaalada xarunta Iiraan ku leedahay caasimada Yemen.

Dhanka dowlada Sucuudiga ayaa sheegtay in yoolkoodu ahaa maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee heysta magaalada Sanca.

Xiisada u dhaxeysa Sucuudiga iyo Iiraan oo in muddo ah soo taagneyd ayaa sii xumaatay Sabtidii lasoo dhaafay kadib markii Boqortooyada Sucuudiga dishay wadaad Shiico ah oo hogaamin jiray Shiicada ku nool Bariga wadanka Sucuudiga. Falkaasi oo ka cadheysiiyey Shiicada Iiraan ayaa dadkoodu xoog ku galeen safaarada Sucuudiga oo ay waxyeelo soo-gaadhsiiyeen.

Dowlada Sucuudiga ayaa xidhiidhka diblumaasiyadeed u jartay wadanka Iiraan Axadii lasoo dhaafay, Iiraan ayaa iyaduna Khamiistii shalay joojisay dhamaan badeecadii looga keeni jiray wadanka Sucuudiga iyo waliba dadka Iiraan safarkii ay ku tagi jireen dhulka barakeysan.

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed