Iiraan oo dalkeeda u ogolaatay kormeereyaal ka socda QM
Tehran Mar 06,2012(SDN)-Dawlada Iraan ayaa maanta ku dhawaaqday in ay u ogolaan doonto khubaro ka socota Hay’ada qaramada Midoobay u qaabilsan quwada Atoomikada in ay booqdaan saldhiga milatari ee loo yaqaab Baashtin ee ku yaala dalkaasi .
Xukuumada Iraan ayaa saldhigan Baashtin ka horjoogsatay khubaro ka socda Hay’ada quwada Atoomikada in ay saldhigaas soo booqdaan bishii hore oo ay dalkaasi tageen .
Waxana khubaradu saldhigaas ku sheegeen mid lagu farsameeyo walxaha qarxa , taas oo loo fili karo in ay ku hormarinayso farsamaynta qunbulad atomig ah.
Dhinaca kale , Ra’iisal wasaaraha dalka Israiil Mr. Natanyaahu oo booqasho ku jooga caasimada dalka Mareykanka ee Washington , ayaa ku dhawaaqay in lagu fashilmay xal diblomasiyadeed lagu soo afjaro barnaamijka Niyuukliyeerka Iraan , taas oo ayna Israiil marnaba u ogolanayn in Iraan hesho hubka Niyuukliyeerka ee wax gumaada ee ay Israiil iska difaaci doonto khatarta kaga iman karta dhinaca Iraan .
SDN-Tehran