|

‘’Iima Banaan Wax Kale oo aan Ka Idhaa Lixda Goobood ee Xayiraada Laga Qaaday aan ahayn Hadeer Waxa Jooga Hadmaan Ka Afeeftay’’ Cali Guray

Hargaysa 29.August 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid ayaa Ku Tilmaamay Talo Timid Xili Xeedho Iyo Fandhaal kala dhaceen taas oo uu ku sifeeyay dhawaqa ka soo Baxay Xukuumadda ee Sheegaya in Lixda Goobood ee Muranku ka Taagan yahay Gobolka ay raacayaan ee Guban Iyo Ceel Sheekh,Waxaanu ku dooday inay Tiro aad u yar tahay Dadka aan la diiwaangelin ee Ku Nool Deegaamadaasi Kuwaas oo uu Xusay inay hore isaga soo diiwaangeliyeen Gobolka Saaxil.

cali-gurayCali Guray Waxaa kale oo uu Sheegay inaanu garanayn Waxa ay rabaan iyo Waxa ay diidan Yihiin Qaybo ka mid ah Haldoorka Gobolka Awdal oo Xukuumadda u soo Jeediyey inaan Diiwaangelin laga qaban deegaanada Muranku ka Taagan Yahay.

Qoraal Kooban oo Cali Guray ku Faafiyey Barta uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa u dhignayd Sidan:-

‘’Talo waa mar aad garanwaydo iyo mar aad gaadhi waydo. Anigu maanta arinta lixdaa goobood iima banaana wax kale oon ka idhaa oon ahayn HADEER WAXA JOOGA HADMAAN KA AFEEFTAY.

Hadii doorashada madaxtooyada uun waa fursad mar hore soo martay oo hadana ay ka luntay. Lakiin maanta maalintii maaha oo waxay ahayd inay noqoto si ka duwan.

Anigu kolay cid kale oon ku canaanto garan maayo oon ahayn kuwii shalay markii aan ku musanaabayay dhegaha iga furaystay iyada oo wax waliba markaa suurtogal ahaa.

Dadka goobahaa deggen intii cid abaabusha heshay Saaxil bay iska diiwaangeliyeen hadda inta aan is diiwaangelin ee ku hadhay aad bay u yartahayba hadii ay doorashada madaxtooyada uun tahayna dad loo raro uma baahna waayo dee halka uu joogaba wuu uga codayn karaa cidii uu doono. Anigu isma lihi dadka goobahaa ku hadhsan ee iska diiwaangelin kara maanta dhawr boqol wax ka badan inay noqon karaan. Markaa bal colka maanta is xaydxaydaya shalayna loo taag la’aa tay dhigeena aynu wada ogayn guusha ay ka soo hooyaan waynu u wada joogi.

Qoladan reer Boorame ee Tvyada soo fadhidaa waxay diidan yihiin iyo waxay doonayaan anigu midna maan garanin. Doorashada Madaxtooyada qofku halka uu joogo ayuu buu codkiisa ka dhiibanayaa ee ma dhawr boqol ee muwaadin ee xaqoodii la kala dhimay ayay xataa diidan yihiin. Taasi xumaan bay u muuqan kartaa haday ay cidi ka joogto saw kuwa la diiwaangelnayo uun ka mid noqon maayaan.

Comments are closed