IGAD oo soo dhaweysay isu soo dhawaashaha Itoobiya iyo Soomaaliya
Addi Ababa (QJ) – Urur-goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay isu soo dhawaanshaha diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku yimid Khamiistii magaalada Muqdisho.
Intii ay socdeen wada-hadalladii ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac. War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay wada-hadallada iyo xasilloonida gobolka, iyaga oo iftiimiyey wada-hadallo farsamo oo ka socda dalka Turkiga oo la doonayo in lagu xalliyo xiisadaha ka dhashay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland.
“IGAD waxa ay weli ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo nabadda, ka-qeybgalka, iyo horumarka waara ee gobolka,” ayaa ururku ku sheegay war-saxaafadeedka.
Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo 2024 markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay Somaliland, taasoo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya. Heshiiskan oo soo jeediyay in qayb ka mid ah xeebaha Somaliland laga kireeyo saldhig ciidan iyo deked ganacsi, waxa ay dad badani u arkayeen in Itoobiya ay si qarsoon u aqoonsan tahay madax-banaanida Somaliland.
Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay heshiiskaas, iyadoo ku eedeysay Itoobiya inay ku xadgudubtay midnimada dhuleed iyo midnimadeeda. Iyadoo taas ka jawaabeysa, Muqdisho waxay ku dhawaaqday inay qorsheyneyso in ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya laga saaro Soomaaliya, waxayna xoojisay xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dowladaha isku haya gobolka ee Itoobiya, Masar iyo Eritrea.
Natiijooyinka ka soo baxa wada-hadallada ka socda Turkiga ayaa si dhow loola socon doonaa, iyadoo labada waddan ay dhex maraan caqabado amni oo adag oo gobolka ah, iskaashiga dhaqaalaha, iyo arrimaha madax-bannaanida dhuleed.